Hargaysa (Saxil News.com)-Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Badhasaabka Gobolka Awdal, ayaa walaac ka muujiyay Qurbejoog reer Awdal ah oo arrimo amaan darro ka wada Gobolka Awdal. Waxa uu sheegay in Hub culus oo laga soo Iib keenay Somalia ay lacagtiisa bixinayaan si loogu gudbiyo Maleeshiyada Wabar.
Mudane Ramaax waxa uu Qurbe joogta Awdal u soo jeediyay inay gobolka wax wax u taraya ku soo celiyaan balse aanay wax dagaal hurrinaya u keenin “Anigu qurbe joog baan ahay waliba Reer Maraykan ayaan ahay, Reer Awdal Maraykanka way ku badan yihiin siiba Minisota, halkaas Minisota dhib badan baa naga haysta, Ragga caruurahoodii dibada joogaan ee nabad galyo darrada ku soo diraya Boqol boqolka Dollar ee annaga noo hanjabaya ee Minisota degan runtii waa inaanu dad weynaha u sheegnaa Caruurtoodii dalka ma joogto, waar waxaanu leenahay kaalaya dalkiina wax u tara laakiin, boqol Dollar oo xabad rasaas ah la soo siinayo oo Magaalada lagu duminayo ha ku soo kordhinina”, ayuu yidhi Mr Ramaax.