Guddoomiyaha Gobolka AWDAL Oo Walaac Ka Muujiyey Xaaladda Gobolkaas.

0
15

Hargaysa (Saxil News.com)-Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Badhasaabka Gobolka Awdal, ayaa walaac ka muujiyay Qurbejoog reer Awdal ah oo arrimo amaan darro ka wada Gobolka Awdal. Waxa uu sheegay in Hub culus oo laga soo Iib keenay Somalia ay lacagtiisa bixinayaan si loogu gudbiyo Maleeshiyada Wabar.

Mudane Ramaax waxa uu  Qurbe joogta Awdal u soo jeediyay inay gobolka wax wax u taraya ku soo celiyaan balse aanay wax dagaal hurrinaya u keenin  “Anigu qurbe joog baan ahay waliba Reer Maraykan ayaan ahay, Reer Awdal Maraykanka way ku badan yihiin siiba Minisota, halkaas Minisota dhib badan baa naga haysta, Ragga caruurahoodii dibada joogaan ee nabad galyo darrada ku soo diraya Boqol boqolka Dollar ee annaga noo hanjabaya ee Minisota degan runtii waa inaanu dad weynaha u sheegnaa Caruurtoodii dalka ma joogto, waar waxaanu leenahay kaalaya dalkiina wax u tara laakiin, boqol Dollar oo xabad rasaas ah la soo siinayo oo Magaalada lagu duminayo ha ku soo kordhinina”, ayuu yidhi Mr Ramaax.

 

 

 

Gudoomiyaha Awdal, waxa uu sheegay in muddo kooban oo uu gobolka joogay ay qabteen qorigii saddexaad oo Hubka culus ah “Xalay waxaanu qabanay Qori loogu talo galay Magaalada In lagu dumiyo, Qorigaasi ragga Lacagtiisa bixinayay waxay ahaayeen dad Magaalada ka mid ah oo waliba Qurbe joog ah. Waxaan leeyahay ha laga waantoobo waxba inooma kala qarsoona oo guri walba waynu iska war haynaaye”, ayuu yidhi Gudoomiye Ramaax.

Waxa uu intaasi Mr Ramaax raaciyay “Waxaa Magaalada Boorama ku wajahan dagaal. Dagaalkaas intii Itaalkayaga ah waanu la dagaalamaynaa, dagaalkayguna maaha hanjabaad ee waa mid aanu nabadgalyada ilaalinayno. Waxa weeye markaanu aragno Qoriga weyn ee la iibinayo miyaanu ka dulqaadanaa, Qoriga la doonayo in bari magaalada halkaas loo soo saaro oo lagu garaaco Boorama ma yeelayno.

Waa wax dhab ah oo dhacay, waa qorigii saddexaad ilaa bil iyo badhkii aan idinla joogay ee aanu qabano, kuwaas oo laga iib keenay Puntland iyo Somalia, waxa halkaas looga keenay in Boorama lagu garaaco, kuwa bixinaya lacagtuna waa qaar magaalada u dhashay oo waliba qurbe joog ah, waxba idinka qarin maayo aniguye, waana suuro gal inay timaado oo bari aragtaan Madfac magaalada ku soo dhacaya” ayuu yidhi Gudoomiye Ramaax.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inaan wadamada Jabuuti,Ethiopia iyo duniduba rabin amaan darro ka dhacda Somaliland balse dadka arrimaha amni darro ka hurinaya Awdal yihiin Qurbejoog reer Awdal ah. Waxaanu ugu baaqay inay ku cimro qaataan waxa ka dhacaya meelo badan oo dunida ka mid ah oo amaan darro asiibtay.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here