AWDAL: Tv-ga Qaranka Oo Caawa Live Barnaamijyo Uga Soo Gudbinaaya Boorame Iyo Wasiir Cukuse Oo Dhismaha Xaruntii Wasaarada Ka Hirgaalinaaya Gobolkaas.

0
20

Awdal (Saxil News.com)-Telefeeshinka Qaranka Somaliland, oo Studio cusub oo qalabaysan ka sameeyay Maagalada Boorame, ayaa caawa markii ugu horeysay Barnaamijyo si toos ah (Live) u baxaaya wuxuu ka soo tabin doona Gobolka Awdal, sidoo kale Ilaacada Radio Hargysa ayaa iyana caawa si Live ah barnaamijyo uga soo tabinaysa xarunta Gobolka Awdal. Talabadan ayaa ah mid horumar u ah shacabka Magaaladaas sidoo kale dalka intiisa kale ku xidhaysa.

vlcsnap-2014-03-05-05h25m22s11

Geesta kale Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo sugan Magaalada Boorame, wuxuu Maalinta bari ah ka hirgalinaya Magaaladas xaruntii Wasaaradda Warfaafinta oo ka koobnaan doonta dhismayaal  dhawr qaybood isugu jira. Sidaana wuxuu u sheegay Wasiirku maruu khadka Telefoonka ugu waramaayay Wariye Khadar Xasan Aadan oo ka tirsan Shabakadda wararka ee Somalilandtoday.com. Wasiir Cukuse oo arrintaas ka hadlaaya wuxuu yidhi.

“Walal Waxaan jooga Boorame oo aanu hadda ka samaynay Studio-gii Tv-ga Qaran oo isla caawa bilaabaya Barnaamijyo toos ah (Live) hore waxaanu uga hirgalinay Ilaacadihii FM-ta, oo iyana caawa si toosa guud ahaan dalka ay Ilaacada Radio Hargaysa barnaamijyo uga soo tabinayso Magaalada Boorame. Bari haddii alle idmo iyana waxaanu hirgalinaynaa dhisme weyn oo ah xaruntii Wasaaradda Warfaafinta wacyigalinta, hidaha iyo dhaqan ee Gobolka, iyadoo kaanboolkaas ay ka wada hawl gali doonaan, Xaruntii dhaqanka, Xaruntii Ilaacada iyo Qaybta Telefeeshinku.”.

Wasiirka oo aanu weydiinay maadaama oo ay Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo sidan oo kale uga sameeyeen xarumo (Studio) ay Magalooyinkaasi si toosa oo Live ah Barnaamijyo uga soo tabin karaan, waxay daran tahay furitaanka xarumahaas cusub ee Boorame, wuxuu ku jawaabay.

“Waxay kamid tahay masuuliyada Wasaaradda Warfaafinta saaran, waxayna kamid tahay  maamul daadajinta ay Wasaradu wado, in qofkasta oo jooga Gobolada Somaliland uu fursad u helo in Barnaamij toos ah laga gudbiyo, barnaamij toosa uu dhagaysto, oo aanu is odhan Hargaysa ayuunbay gaar u tahay, wanan ka warami doona Siyaasadaas aanu qaadanay iyo hawsha aanu wadno”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here