0
17

Hargaysa (Saxil News.com)-Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE ayaa qaabilay tageerayaashi ugu badna ee ka soo jeeda Beelaha Gabooye. Taageerayaashan oo kasoo jeeda Beelaha Gabooye, ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye. Munaasibadda Taageerayaashan lagu soo dhaweynayey oo lagu qabtay Hutel Mansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa kasoo qaybgalay, Hoggaanka Xisbiga, Hormoodka Beelaha Gabooye, Salaadiin, Xildhibaanno, Taageerayaal iyo Marti-sharaf kale, waxana Halkaas Hadallo kasoo jeediyey Xubno kamid ah Siyaasiyiintii iyo Masuuliyiintii kasoo jeeday beelaha lasoo dhaweynayey.

imageimageimageimageimageimageimageimageimage

tex

Salaadiin iyo Cuqaal kasoo jeeda Beelaha Gabooye oo ugu horrayn halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay inay horeba u ahaayeen Xisbiga Kulmiye, balse ay Haatan isu imaanshahoodan ugu jawaabayaan Xaflado kooxo kale oo Beelahooda kasoo jeedaa dhawaan ku shaaciyeen inay Kulmiye kaga baxeen.

Cuqaashii Halkaas ka Hadashay, ayaa si isku mid ah mid mid uga sheekeeyey waxqabad ay tilmaameen inuu madaxweyne Siilaanyo Beelahooda wax badan u qabtay, isla-markaana uu abaal aan la ilaawi Karin ka mudan yahay.

Suldaan Nadiif oo isagu hormood u ahaa Taageerayaashan maanta kulmiye kusoo biiray, ayaa si faahfaahsan uga warramay Waxqabadka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u qabatay Beeshooda, waxana uu xusay in loo qabtay wax aan cid kale loo qaban wali,

“Beel ahaan madaxweyne Siilaanyo waxa uu noo qabtay wax badan oo aanan halka kaga sheekayn Karin, waxa uu naga dhisay tacliinta, horumarka iyo iskaashiga, waxana uu noo galay abaal aan la ilaawi Karin, Aniga iyo Suldaan Daakir waxa uu noo iibiyey laba gaadhi oo dalka baabuurta jooga ugu qaalisan, waana wax taariikhda galay.” Ayuu yidhi Sudlaan Nadiif.

Siyaasi Mahdi Cismaan Buuri oo kamid ah Siyaasiyiinta Beesha Gabooye oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa xusay in cabashada kasoo yeedhaysa Beeshoodu aanay ahayn wax meel sare sii gaadhsiisan, isla-markaana ujeeddadeedu tahay inuu madaxweynuhu kor uqaado mansabyada siyaasadeed ee xilligan beeshu leedahay.

imageimageimageimageimageimage

Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo isaguna Munaasibadda soo dhaweynta Taageerayaasha Beelaha Gaboobe ka Hadlay, ayaa cadaadiska Beelahaasi sheegtan kagala dardaarmay inaanay dheg u dhigin oo ay u samraan, waxana uu saadaaliyey inay Mustaqbalka dalka hoggaankiisa qaban doonaan, waxana uu yidhi,

“Konton sano kahor cidina isma lahayn Madaxweyne Madow baa Maraykan ka noqon doona, dadkuna way soo wada maraan dhibaatadan, waxana aan malaynayaa in Soddon sano ka hor ay Somaliland yeelan doonto Madaxweyne Gabooye ah, Markaa yeynaan niyad jabin, maanta rag badan oo Ina Cismaaan Buuri damiintay, ayayaa baasaboorro Hargeysa ku wada maraya.”

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye oo hadallo dardaaran iyo soo dhaweyn ah halkaas kasoo jeediyey, ayaa ugu baaqay Beelaha Gabooye inay Dhinaca Tacliinta iska dhisaan si ay horumarka ugu tallaabsadaan, waxana uu yidhi,

“Waxyaalaha Beeshani ay ku hadhay waxa kamid ah Tacliinta, si taas kor loogu qaadana waxa lagu tallaabsaday in tirada jaamacadaha gelaysa inay xukuumaddu jaamacadaha ka bixiso, Markasta oo mutacalimku kordhana waxa la kordhinayaa tirada mansabyada Dawladda iyo Xisbiga dhexdiisa ah.”

imageimageimageimage

Xildhibaan Cali Xasan(cali Marreexaan) oo isaguna Madashaas ka Hadlay, ayaa tilmaamay in Beelaha Gabooye Xukuumaddu sedbursiinyo badan siisay, isla-markaana diyaar u tahay inay wixii dhiman ugu daraan.

Taageerayaashan maanta ku biiray Xisbiga Kulmiye ayaa ka dambeeyey Taageerayaal kale oo dhawaantan shaaciyey inay ku Biireen Xisbiga Waddani, kuwaas oo carrabka ku dhuftay Cabashooyin tiro badan ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka Sheegteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here