Deg Deg : Dooxa Weyn Ee Dhex Mara Magaalada Hargeysa Oo Galabta Biyo Xoogani Labada Gabi Marayaan Iyo Qorashe La,aanta Qabashada Biyahaas +Sawiro

0
19

Hargeysa (Saxilnews):- Ka dib markii guud ahaanba gobolada Somaliland laga oogay Salaada Roob doontaxilli abbaaro baahsan ba,an ka jiraan gobolada Bariga Somaliland ayaa waxa labadii cisho ee ugu dambeeyey Roobkii Dayrtu waxa uu ka curtey gobolada Galbeedka Somaliland.

Iyada oo dhinaca gobolada bariga Dalka oo abaartu ka jirto laga soo sheegaayo Saan saan roobeed

Hadaba roobabkii ka da,ey gobolada Galbeedka ayaa keenay Biyo sababay in ay soo rogmadaan dooxyadii biyo mareenku

Waxaana shacabka Magaalada Hargeysa ay galabta ku war heleen guuxa Daaddka soo rogmaday ee Dooxa wayn ee dhex mara badhtama Magaalada Hargeysa iyada oo aanu wali wax roob ah ka di,in Caasimada marka laga reebo roobab tiix tiix u badan oo Habeen hore ilaa saaka ka da,aayey Magaalada.

Socodka biyahan ayaa imanaya iyada oo aan laga faa,iidaysan xilli bulshada somaliland ay Xoolahoodii u dhinten biyo la,aan mudadii dhowrka bilood ahayd ee lagu jiray qaybta hore ee jiilaalka.

Deegaanada ay Roobabkani ka da,een maanta ee soo rogmaday ayaa kala Dhaboolaq,Abu-riin,Cusbaaley,Faro-wayne oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Maroodi Jeex.

Xukumada somaliland ayaan wax qorshe ah keenin iyada oo aanay ahayn markii ugu horeysay ee ay dalka ka dhacdo abaar aad u ba,an iyada oo marka ugu horeysay ay Xoolaha iyo Dadkuba u dhintaan Haraad iyo La,aan.

Ilaysnews/Hargeysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here