Saxilnews.com
Masaajiddo Ku Yaala Dalka Mareykanka Oo Warqado Hanjabaad Ah Loo Soo Diray Iyo Nuxurka Wax Yaabaha Ku Qoran
November 28, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

California (Saxilnews):- Urur ay leeyihiin muslimiinta Maraykanku ayaa sheegay in warqadkooban oo isku mid ah loo diray saddex masaajid oo ku yaalla gobolka California, warqadaas oo hadalka ku qorani ku tilmaamay Muslimiinta dad wasakh ahoo maan gaaban, isla markaana ku wargelisay in ay shandadahooda ka xidhxidhaan Maraykanka.

Warqaddan farriinta nacaybka ah ku xardhanayd ayaa sidoo kale waxay ammaantay madaxweynaha la doortay Donald Trump waxaana ay sheegtay inuu nadiifin doono Maraykanka.

Ururka oo la yidhaa golaha xidhiidhka Muslimiinta Maraykanka, ayaa ku baaqay in boolisku baadho waxa uu ay ku tilmaameen talaabo cagajuglayn diineed ah.

Intii uu ololaha doorashada ku jiray, Trump wuxu sheegay in uu Muslimiinta ka mamnuuci doono in ay galaan Maraykanka ilaa inta laga ogaanayo waxa uu ku sheegay sababta tiro badan oo Muslimiinta ka mid ahi ay u taageeraan colaadda loo qabo dadka Maraykanka ah.

COMMENTS
Latest News