Hargaysa (Saxil News.com)-Haddii ay dad badan oo ka tirsan qaybaha bulshada ay sheegi jireen haddii xisbiga kulmiye ku guulaysto doorashada madaxtinimo ee la soo dhaafay 2010kii dekada berbera iyo magaalo xeebeedka berbera waxay noqon doontaa meel laga hayaamay waxaanay la mid noqon doonaan bullo-xaartii qarniyo ka hor lagu guuray manta taas waxay noqotay hadal la iska yidhi.
Waxaana muuqata mustaqbalka fiican oo yeelatay magaaladii iyo dekadii berbera haddii cabirka bedka ay dekadu berbera ku fadhiday ahaa wax ka yar hal kiloomitir maanata waxay noqotay weliba intii xisbiga kulmiye talda hogaamineedka ee dalka hayey ugu yaraan ku dhawaad 5 kiloomitir waxay la taasina waxay ilaahay mahadii isla markaana waxay yeelatay muuqaalo iyo bilic aanay hore u yeelan waxana loo huray hantidii soo xeroon jirtay waxaana loo hagar baxay sidii dib u habayn dayactir balaadhan in loogu samayn lahaa isla markaana ay dekada berberaula tartami lahayd dekada wadamada dariskeena .
Mudadaa kulmiye xilka hayey waxaa loo soo iibiyey gaadiid kala duwan oo malaayiin dollar ku baxday kuwaas oo wax weyn ka bedelay adegyadii rarka dejinta ee dekada u fidin jirtay qaybaha kala duwan ee ganacsatada kala duwan .Ugu yaraan todoba wish oo ka ugu weyn 70mton ka ugu yarna 17mton ayaa la keenay .
Laba cagaf oo midi nus milyan dollar kor u dhaaftay oo 45 mton ah kalena 25mton ah ayaa la keenay tobaneeyo gaadiidka xaajiyadaha madaxda waaxyaha dekada wataan oo cusub ayaa la keenay .
Waxaa kaloo lagu soo kordhiyey mudaden kulmiye 2laash oo loo adeegsado oo xidhiista maraakiibta iyo 3gaadhi oo casri ah oo dabdamis ahaan loo adeegsado iyo hal ambalaas oo gurmadka degdega ah dhinaca caafimaadka sida shaqaalaha waxyeeladu soo gaadhay horumarka .
Dib u qalabaynta dib u dhiska dayactirka gaadiidka hore iyo xafiisyada adeega iyo balaadhinta ay maamulku dekada berbera ku talaabsadeen ma aha wax qoraal lagu soo koobi karo .
Balse waa mid sooyaalka taariikheed ee xukumada madaxweyne siilaanyo iyo maamulka dekada caalamiga ee berbera oo uu hormood ka yahay khabiirka takhasuska haldoorka mufakirka eng cali cumar maxamed cali xoor-xoor
Uu ku suntanaan doonto isla markaana markhaati cad u ah sidii ay ugu go’aan tahay eng xoor xoor inuu uu hagar baxo horumarinta iyo dib u dhiska dekada caalamiga ah ee berbera eng cali xoor xoor oo mudadii madaxweyne axmed siilaanyo xilka hogaamineedka hayey uu hal sano ka maqnaa xilka isla markaana sanad ka dib markale loo magacaabay maareeyaha dekada berbera .
Ayaa dadka badan si weyn u soo dhaweyeen magacaabista halka markii horen ay kooxo faro ku tiris ah oo caadifadiisa madax martay ku faraxsanaayeen xilka qaadistiisii hore .
Guntii iyo gaba gabadii eng cali xoor xoor oo la ogayhay inuu yahay ruux illaahay isugu daray karti dulqaad deganaasho farsamo yaqaanimo khibrad faham dabacsanaan dad aqoon iyo inuu u gargaaro wax badana uu ka qabtay baahiyaha aasaasiga ah eedegaanka uu ku dhaqan ayhay waqtiyada ay mashaakilaadka dabiiciga ah dhacaan .
Waxaa intaa u dheer inuu yahay siyaasi da’yar oo si weyn u yaqaan una fahmsan dabeecadaha qaybaha kala duwan ee qaybaha bulshada iyo guud ahaanba hawl wadeenada muruqmaalka shaqalaha iyo kumanaanka qaybood ee ganacsatada xidhiidhka la leh dekada waxaa kaloo lagu tilmaamaa inuu yahay deeqsi uu dhuun daloola qaababka kala duwan ee dareenada bulshada iyo sidii uuu isugu xidho bulshooyinka iyo siyaasiyiinta ama hanaanka
Mukhtar Abdirahman
berbera2002@gmail.com