Gudoomiye Aamiin cumar dheere ma noqon doonaa mid builshada reer gabiley u horseeda horumarka oo ilaawsiiya hadimooyinkii labada sano iyo dheeraadka lagu heeray

0
19

Gabiley (Saxil News.com)-Gudoomiye Aamiin cumar dheere ma noqon doonaa mid builshada reer gabiley u horseeda horumarka oo ilaawsiiya hadimooyinkii labada sano iyo dheeraadka lagu heeray

 

Tan iyo markii ay fadhiga golaha deegaanka gabiley gudoomiye maxamed cuamr dheere u doorteen hogaaminta golaha ayaa waxaa si weyn looga hadal hayaa goobaha daku ku kulmaan magaalada isbedelka golaha iyo saamaynta uu ku yeelanayo guud ahaanba degaanka gobolka gabiley waxaa kaloo si weyn dadku isu weydiinayaan faraqa u dhaxeeya labada masuul ee iska bedelay xilkii gudoomiyenimo ee golaha deegaanka gabiley !!!!!!!!

Markaan eego dhinaca heerka aqooneed iyo waxbarasho waayo aragnimo degaanaan iyo hogaaminta bulshada reer gabiley ayaa gabi ahaanba la odhan karaa waa mid uu ku horeeyo gudoomiyaha cusub ee golaha deegaanka gabiley mudane maxamed aamiin cumar dheere .

Sidoo kale gudoomiyaha cusub ee golaha deeganka gabiley ayaa u muuqda mid bulshada dhexdeeda karaamo xushmad iyo dhawrsanaan badan ku leh hadaba iyadoo loo balansan yahay xaflada xilwareejinta subaxnimada isniin ayaa waxaa laga deyrinayaa oo bulshaada reer gabiley ka biyo diidsan yihiin .

Oo ay dadka reer gabiley ku sheegayaan inay aad u badan tahay isla markaana la sheegayo deyntan inay muuqaato mid aan macquul ahaynd

Waxaa kaloo la isla dhexmarayaa in lacagaha deyn ahaanta loogu wareejiyo ay ka mid tahay gadiidkii dawlada hoose ay soo iibsatay mudadii labad asano iyo dhawrka  bilood ahayd ee gudoomiye shucayb xilkii hayey kuwaas oo markii hore ay dadka qaarkii u haysteen in lacagta gadiidkaas ay dawlada hoose iska bixisey gadiidkan oo kala ah 1) Dabdemis hal iska rogo , hal xaajiyaad , sido kale lacagahan deynta ah ee maamulka cusub lagu wareejinayo waxaa qayb ka noqonayo kharashaad badan oo lagu sheegayo kharash ku baxay gogosha guriga martida .

Waxa kaloo la hadal hayaa lacag ay maamulkii hore dawlada hoose bangiga gabiley ka amaahdeen kuna bixiyeen bil mushaharka shaqalaha dawlada hoose oo laba bilood ooh ore lahaa taas oo sida la sheegayo  ay hada leeyihiin shaqaalaha march iyo febarware si kastaba waxa ha u jiraan hadiiba ay deyntan la sheegayaa sidan u jirto aan gadiidkan labada sano horteed dawlada hoose iibsatay lacagtoodii la bixin taas oo ka markhaatiya kacaysaysa in fadeexada maamul iyo masuqmaasuq baahsani ragaadiyey dakhliga dawlada hoose ee gobolka gabiley Mudadaa soo galayey oo isku celcelis hal bilyan iyo sedexaad boqol oo milyan slsh bishii ku dhawaa isla markaana aanay jirin wax horumar ah oo mudadaa degmada wax looogu qabtay dhinaca dhismayaasha jidadkuna yihiin mashaariicda GBLga maamulka Cusuna Waxaa la Gudboon unay arintan deynta si taxadir leh golaha deegaanka uga arimiyo

 

 

Qoraa maxamed Biid
Gabiley

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here