War Deg Dega Mid Ka Mid Ah Xulalka Ugu Adag Ciyaaraha Gobolada Somaliland Oo Maayarkoodii Lacag Ka Cunay,

0
17

Hargeysa(Saxilnews) :- Mid Ka Mid Ah Xulalka Ugu Adag Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee ka socda HArgeysa Staduim ee haatan sida habsamid ah u socda ayaa waxa uu maayarkoodii ka cunay lacag ay u soo direen Qurba joogta gobolka ay magaciisa xambaarsan yihiin.

Xulka lacagta uu lacagta ka cunay Maayarkoodii ayaa ah xulka kubada Cagta iyo kolayga ee Gobolka Hawd lacagtaasi oo uu cunay Maayarka Degmada Balli Gubadle ee gobolka Hawd kaasi oo lagu magacaabo Gurey Iimaan.

balli

Xogo dhab ah oo so gaadhay Saxilnews ayaa u xaqiijiyey lacago kala duwan oo xulka gobolka looga soo direy Dibada taasi oo lagu soo hagaajiyey Maayarka Dehmada Balli GUbadle.

Xogtan oo Saxilnews ka helay qaar ka mid ah Qurba joogta gobolka Hawd ee lacagta soo diray ayaa Saxilnews u xaqiijiyey in maayar Gurey aanu gaadhsiin lacagtii ay usoo direen ciyaaryahanada gobolka Hawd si loogu dhiiri galiyo hanashada koobka gobolada Somaliland ee haatan ka socda Magaalada Hargeysa.

Geesta kale Maamulka ciyaaryahanahada iyo kubada Cagta iyto ta Kolayga ee Gobolka Hawd ayaa walaac ba,an ka muujiyey dhaqanka cusub ee uu ku kacay maayarka Degmada Balli-Gubadle,

Arintani ayaan ahayn markii ugu horeysay ee uu Maayar Gurey ku kaco fal noocan oo kale ah balse sida ay xaqiijiynayaa Maamulka iyo ciyaaryahanada gobolka Hawd waay sheegayaan in ciyaarihii hore ee is reeb reebka ee Sanadkii 2015 kii lagu qabtay Magaalo Madaxda gobolka Awdal ee Boorame oo ku kacay talaabo noocan oo kale ah.

Hase yeeshee ayaa sida ay Saxilnews u sheegeen mamulka ciyaaryanahada Gobolka HAwd ayaa markii hore ay ka gaabsadeen in ay sheegeen maadaama ay ilaalinayeen sharafta iyo karaamada Maayarka balse haatan waxay sheegeen in ay u adkaysan waayeen arinta uu mar kala kacay ee uu ku duud siiyey xaqii loo soo igmaday in uu ku wareejiyo Ciyaaryahanada.

Maalinta bari ah ayaa la filayaa in xulka gobolka Hawd uu wahajo xulka Daad Madheedh kulanka ugu dambeeya ee is raga guruubyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here