MADAXWEYNE KU XIGEENKA MAREYKANKA OO MAANTA BOOQANAYA TURKIGA

0
15
US Vice President Joe Biden takes part in a session on the theme "Cancer Mooshot: A Call to action" during the World Economic Forum (WEF) annual meeting in Davos, on January 19, 2016. More than 40 heads of states and governments will attend the WEF in Davos, which this year is focused on "mastering the fourth Industrial Revolution," organisers said. / AFP / FABRICE COFFRINI (Photo credit should read FABRICE COFFRINI/AFP/Getty Images)

Ankara (Saxil-News):-  Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka Joe Biden ayaa maanta oo Arbaco ah booqasho ku tagaya dalka Turkiga, kadib afgambigii fashilmay ee dhacay 15-kii bishii July.

 

Booqashada Madaxweyne kuxigeenka Joe Biden ayaa loo arkaa mid la doonayo in dib loogu soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee Turkiga iyo Mareykanka.

Labada dal oo xiriir aad u dhow lahaa ayaa soo kala dhex galay kala shaki siyaasadeed, kadib markii Turkiga uu ku eedeeyay Fethullah Gulen oo fadhigiisu yahay Pennsylvania uu ka dambeeyay isku daygii afgambiga ee fashilmay.

Turkiga ayaa ka dalbaday Mareykanka inuu ku soo wareejiyo Mr Gulen, balse Xukuumadda Washington ayaa wali ogolaan arrintan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa dhabarka u jeediyay dalalka reer galbeedka, isagoo bog cusub oo saaxibtinimo u furay dowladda Ruushka.

Sarkaal ka tirsan Ruushka ayaa ku eedeeyay in Mareykanka uu ku lug lahaa isku daygii afgambiga, ayna jiraan cadeymo muujinaya isku xirkii afgambigii la damacsanaa in xukunka lagaga tuuro Madaxweyne Erdogan in abaabulkiisa ugu xoogan ka socday mareykanka.

Booqashada Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka ee Turkiga ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maamulka Obama uu bilooyin u harsan yahay, waxaana Mareykanka uu doonayaa in Turkiga uu ka shaafiyo eedaha uu tirsanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here