Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Ayaa Tacsi Udiray Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Shide Xaaji Diiriye

0
23

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu tacsi u dirayaa Madax-dhaqameedka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii,

03/05/2016

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu tacsi u dirayaa Madax-dhaqameedka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Xaaji Shide Xaaji Diiriye oo ku geeriyooday 03.05.2016, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo dalkiisa u soo qabtay hawlo badan oo isugu jiray nabadayn, dib-u-dhis, iyo adkaynta wada jirka dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan gobolka saaxil oo uu ka mid ahaa madax-dhaqameedada iyo ganacsatada gobolkaasi caanka ka ahaa. Isagoo intaa raaciyey Madaxweynuhu inuu ahaa dadkii dedaalka badan u soo galay dib u xoraynta dalka iyo la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa waasaca ah ugu deeqo, jannooyinkiisa balaadhana dejiyo, Madax-dhaqameedka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

      Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here