SULDAANKA GUUD EE BEELAHA SUBEER AWAL OO XAAL KA SIIYAY REER SAAXIL ERAYO UU SULDAAN MAXAMED KA YIDHI DEKEDA BERBERA

0
26

Hargaysa (Saxil News.com)-

Suldaan maxed suldaan cqaadir suldaan clahi oo Aanu kala mudanahay tix-gelin qadarin iyo xishmad soo jireena hadaan ahay suldaanka guud ee subulaha ilaa saaxil Suldan xasan suldaan cabdilaahi suldaan cabdi raxmaan suldan diiriye.

 Runtii Waxa aanu  nahay laba saldanadood oo isku faca mataano ku ahaa talo boqornimo sharaf oo isku xili fog u soo ariminaayay Somaliland.

 waxa noo dheer tafiir qudha inaanu kasoo wada jeedno oo loo yaqaan ba-dahabo oo dalka hadii uu turkigii joogay waxa uu ugu imanaayay labadayada awoow suldan diiriye garaad iyo suldaan diiriye xasan oo geed qudha wada fadhiya oo boqoro dhulkoodii jooga ahaa oo dhinacna wada dhashay.

justify;”> Hadii uu ingiriis yimina labadii suldaan ee ku xigay suldan cabdiraxman suldan diiriye iyo suldan cabdilahi suldan diiriye oo geed qudha wada fadhiya haday xornimo u socdaan isku talo ah qof udhaxayn laguma koobi karo sida sooyaalkii tarikhed ee fogaa ee naga dhexeeya labada saldanadood hayeshee waxan isu haystaa inaan wali geedkii fadhiyo dhaqanku siduu ahaa odayaasha reer salaxley uma dhaafi karo asagaa noo dhexeeya saaxilna wadadeda inuu soo maro waa dow balse in badan waan isu dhagooleeyay in badan waan isu indholeeyay ha maqlin ha arkin malaha wuu kasoo degi faraskan .

 hase yeeshee maanta waa in aan xakamaha u qabtaa waxaan leeyahay Suldaan soo baydh oo kusoo noqo dhaqankii dadkayga reer saaxil siday ii xurmeyanbay kuu xurmeyn iyo si ka badan dadkayga reer gabiley sidoo kale ana reer salaxley xurmo badan baan ku qabaa oo taada ka badan.

 warbaahinta waxaad marinayso jooji, xaajooyinka kaleba sidaad iigaga timaad la kaalay wixii aad saluugto marna ha ii weydaaran odayaasha yaanay iyana kusoo gaadhine waa talo hoga tusaaleyn iyo waano xambaarsan reer saaxil oon suldaan u ahay xaalbaan ka siiyay dhinacii bah ahaan suldan maxamed suldaan cabdi qaadir.

 waxa kale oo xusid mudan haba yaraatee dhaqankeena soo jireenka ah kuma jirto suldaanka guud ee dalku qolyaha saxaafadu haka waantoobeen.

 suldaanku maaha administration ee waa hogaan dhaqan oo beel ama laba beelood u bokhran oo cumaamada u haya qaran waxaa metela ninkaa distooriga ah ee kitaabka u maray sida madaxweyne xildhiban Baarlamaan ama degaan luquntu madaxa ma dhaafto kii maamula shaqadiisa waala yaqaan kii dhaqana ardaagiisa waa layaqan saxaafadu haday ka xishooto suldaanka habar awal qabyaaladaa sidii berigii hore ee xoriya iyo jamhuriya deganka hasheegen suldanka subulaha ilaa saxil suldaan maxed walaalkayna suldanka guud ee salaxley waa ok suldaanka guud ee qaranka waa madaxweynaha dalka shucubteena iyo qabaa ilkenuna waa suldan. Caqil iyo cheif caqil beelna beel waxba uma dhiibane shaadhka hanaga weyneynina markaad wax qoraysaan markaad suuqa joogtaan hana odhanina suldaankii ciidagale ama awal ama arab dhaqanka intuu hayo sheega wasiirka sidiisa u sheega xilalkaa qaranka waabad sheegtane dhaqankana sidiisa u sheega waayo janareshinka inaga danbeeya haka khalkhalina dhaqanka jamhuriyada Somaliland baa umada ka dhexaysa wabilaahi towfiiq

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here