Saxilnews.com
Jilaaga Caan Baxay Ee Barkhad Abdi oo Ka Dagay Bosaso, Kuma Matelidoona Film Cusub
February 27, 2015 - Written by admin

Bosaaso (Saxil News.com)Jilaaga Caan Baxay Ee Barkhad Abdi oo Ka Dagay Bosaso, Kuma Matelidoona Film Cusub

Jilaaga reer Hollywood ee Somaliga ah Barkhad Abdi ayaa ka dagay magaalada Bosaso. Barkhad ayaa u kicitimay Geeska Africa kadib markii imbaasadoor hey’da samafalka Adeso ay ka dhigtay.

Fanaanaka ayaa sheegay inuu ka qeyb gali doono dhisida wadanka Somalia, uuna caawin doono dadka tabaaleysan oo wadanka ku sugan.

11021105_1008735485820778_1196872771388295754_n

Inkastoo uu Barkhad uu ka qaxay wadanka markuu jiray 6 sano kadib dagaalkii sokeyee. ‘Maku saleyn karo shakhsiyadeyda laakinse waxan kusoo koobi karaa inuu ahaa dhalinyaro oo fursad waayay kuna koray meel dagaal waxeyna nolosha ka tustay inuu qori qaato.’ Barkhad ayaa saas ku jawaabay mar laga wareystay wiilkuu shakhsiyadiisa ku jilay filmka Captain Phillips.

barkhad

Jilaagan ayaa safarkiisi waxa daba galay barnaamijka CNN ee Inside Africa, hoos ka daawo barnaamijka oo kooban.

 

COMMENTS
Latest News