War Deg Deg Ah:- Israsaasayn Ku Dhex Martay Duleedka Magaalada Oodwayne Dadwayne Iyo Ciidamada Dawlada Itoobiya.

0
21

Oodwayne (Saxilnews.com)-War deg deg ah oo hada soo gaadhaya xafiiska warqabadka shabakada Ramaasnews ayaa sheegaya in israsaasayn dhex martay ciidamada dawlada itoobiya iyo dadwaynaha ku nool magaalada Maanyare oo kamida gobolka daadmadheedh.

Waxaana israsaasayntani ka curatay sida naloo xaqiijiyay kadib markii dhawaan ay israsaasayn dhimasho iyo dhawacba sababtay ay dhex martay laba koxood oo qaadwadayaal ah kuna dhex martay deegaanka daalaco oo hoostimaada degmada xaaji saalax oo iyaduna hoostimaada gooblka daadmadheed, kuwaasi oo ragii khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba iskugu jira sababay ay u baxsadeen dhanka iyo dawlada itoobiya intaa kadibna ay ciidamada dawlada itoobiya ay gacanta kusoo dhigeen ragaas.

Waxaana la sheegay inay israsaasayntaas ay sababtay  dhaawac balse wali ma jiraan wax wara oo kazoo baxaya degaanka iyo maamulka gobolka daadmadheedh oo ku saabsan israsaasayntan.

Source Ramaas

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here