Hargaysa (Saxil News.com)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Luuqad adag ugu jawaabay Mucaaradka Somaliland ee dalbanaya in golaha wakiilada iyo xukumadda la kala diro haddii dalka doorasho ka dhici waydo 26-ka June. Wasiirku waxa uu sheegay in Xukumaddu sii joogayso haddii doorasho dhici waydo inta doorasho laga qabanayo.
“26ka June hadii ay doorasho dhici waydo oo ay qaban waydo cidii loo igmaday(Komishanka doorashada), ma jirto nin Suurkii afuufaya mana jirto in hanjabaad iyo hadidaad toona aan kursiga kaga tagayno. Madaxweynaha si sharci ah ayaa loo doortay xukuumadiisuna si sharci ah ayaanu ku joognaa, si sharci ah ayaanan ku sii joogaynaa hadii doorasho wakhtigaas ku dhici waydo” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.
Wasiirku waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Xukumaddiisu isku tijaabiyeen Socdaalkii Madaxweynaha hubaana in Bulshadu taageersan tahay “Marwalba anagu doorasho ayaanu diyaar u nahay mana jirto baqo aanu ka qabno doorashada iyo cid kale oo naga helaysa waayo waanuu is muujinay oo waad arkayseen in Madaxweynuhu guud ahaanba dalka maray bari iyo galbeed, buur iyo banaan , meel walbana lagu soo dhawaynayey wixii uu dalka ka qabtay waxaanan haysanaa taageeraha dadkii shalay na doortay iyo ka badanba” ayuu yidhi Mr Xirsi
Wasiirku waxa uu hadalkiisa ku daray “Waxaan leeyahay nin walba oo ku hamiyaya in uu na badelo ama hanto hogaanka dalka “dariiqeeda u soo mar, tacabkeeda iyo dedaalkeedana u gal, maalinta aad naga heshana waanu kugu galbinaynaa laakiinse ha ku tashan cabsi galin iyo hanjabaad oo malaha Madaxweynaha iyo raga ku xeeranba waad garanaysaa oo ma nihi dadkii cabsida ku tagayey!”
Wasiirku waxa uu sheegay inay guddida doorashada ka sugayaan Cayimaada doorashada, wakhti kasta oo ay u asteeyaana doorashada diyaar u yihiin.
Muddooyinkii u dambeeyay Xukumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye ayaa bilaabay Luuqad isku mid ah oo ah “Doorashada waxaa ka masuul ah Komishanka doorashada”, haseyeeshee Komishankan oo Mucaaradka iyo Muxaafadkuba amaanay ayaa ah kuwo hore wakhtiga looga lumiyay xilkana loo dhiibay isagoo wakhtigu gabaabsi yahay.
Mucaaradka ayaa sheegaya inay yaqiinsadeen inaan dalka doorasho ka dhacay 26-ka June sidaas darteedna aanay suuro galayn Xukumad ku fashilantay qabashada doorashada in muddo kordhin loogu abaal gudo. Waxay ku baaqeen in Dawlad lagu wada kalsoon yahay la dhiso wixii 26 June ka dambeeya, lana kala diro Xukumadda iyo Wakiilada.