Saxilnews.com
Cadaalada Darada Wasiirka Duulista Waxay Ka Muuqtaa Maamulayaasha Madaradda Dalka Afar Gobol Waxay Ka Soo Jeedan Beeshiisa
February 24, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxil News.com)-

Wasiirka Duulista Somaliland ma Wasiir Reer ahba Mise Wasiir Somaliland: Wasiirka Duulista iyo Hawd Somaliland Maxamud Xashi Cabdi ayaa Xilkan Wasiirnimo la kowsadaya Xukumadda Axmed Siilanyo ilaa Hadan Wasiirka kaXukumadda Siilanyo ee aan Marnaba Dhicin ee ka soo jeeda Beesha Madaxwaynaha kana mid yahay wasiiradda Samaynta ku laha Xukumada Madaxwayne Silanyo

Ayaa tan iyo intii wasaaraddaas Wasiirka ka noqodaya ayaa wasaaraddaas Qoray Shaqaale Tiro badan oo aanay hore Shaqaale uga ahayn Wasaaradaas balse wasiir Maxamud Xaashi ayaa inta badan Maamulka Wasaaradda iyo Ha,adaha ka hawlgala Madarada Dalka ayaa ka soo jeeda Beesha Wasiirka Duulista iyo Hawd Maxamud Haashi Cabdi.
Bal Waxaa is Waydiin leh Wasiirku ma Wasiirka Beeshiisa mise waa wasiir Qaran oo reer Somaliland oo dhan u dhexeeya si Cadaaladan ugu Adeego dadka uu wasiirka u yahay eek u nool Somaliland oo dhan una Xaqsoor Gobol walba Cidii Deegankaas Degtan uu shaqale ka qor si ay dadku uga dhex wada muuqdan Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradda iyo Madaaradda Dalka.
Cabashadii uga Waynad ee Beelaha Dega Boorama ayaa Cabasho Balaadhan ka muujiyaya Same Qaybsiga Kuraasta Dalka oo ay uga horayso wasaaradda Duulista oo ay ka mid ahayd wasaaraddii ay ku sheegen in ay dhicin ka raran yihiin
Bal Hadaba eeg Madaxda Madarka Hargaisa ka hawlgasha Dhamaantood waxa ay ka soo jeedan Beesha Wasiirka Duulista ma Cadaalada Wasiirka ayaa sida ah.
Madarka Hargaisa Cigaal International Airport Hargaisa bal eeg.
1-Kabtan Salax Taliyaha Salidhiga Madarka Hargaisa Beesha Wasiirka Duulista
2-Saleeban Madoobe Maamulaha Kastamka Madarka Hargaisa Beesha Wasiirka Duulista
3-Siciid Salax Maamulaha Banka Laanta Madarka Hargaisa Beesha Wasiirka Duulista
4-Gashanle Cabdi Saleeban Taliyaha laanta Socdaalka Madarka Hargaisa Beesha Duulista
5-Maamulaha ku-Xigeenka Madarka Hargaisa Beesha Wasiirka
Iyo Shaqaalaha Tiro badan oo ka hawlgal wasaarada iyo madarka Hargaisa waxaa ay ka soo jeedan Beesha Wasiirka Duulista Maxamud Hashi Cabdi ee Habar Jeclo ee Madaxwayne Siilanyo ka soo jeedo wasiir bal allah ayaan kugug dharshee ma cadaalada ayaad u samaysa dadka reer Somaliland ee xilkan aad u hayso mise Qabyaalada ayaad ku shaqaysa
Iyadoo Wasiirka Duulista shalay mar uu ka hadlaaya Xaflada uu sheeg in uu ku dhisa Terminal Cusub oo uu Khudba ka jeeda ayaa waxaa uu u hadal si ay caadifadi ku jirto oo dhaaman dadkii ka soo qayb galay Xafladaas aanay jeclaysan oo uu inta badan ku soo celceliyo hadalkaas isagoo dad gaar ah u jeedo oo uu leeyahay Goobto waa Goobtii Xeedhaduna waa tii anku dadka Qaad ma siino ee waa wax la tabaaye ee lanagu haysto
Waxaa kale oo uu yidha Berbera markii aanu xilka la wareegna meel madow ayay ahayd imikan waa aragtan waxaan uu Yidh; Caliwo adiga dawaladiihii hore la soo shaqeeyay sow sidaas ma ah isagoo leh sow Berbera meel madow may ahayn
Hadaba hadalka Wasiirka ayaa markasta laga Dareemaya Cadho iyo Cuqadda Faro badan oo haysa
Wasiir maxamud Xashi Cabdi miyaan uga in uu dalka iyo dadka reer Somaliland oo dhan uu wasiir u yahay oo aan waliba dhicin xilkiina wali haya
Mise waanu kugug dhaaran in aad wasiirka Duulista Somaliland aad tahay
Bal eeg Madarka Berbera Iyo Shaqaalaha ka Shaqeeya iyo Beesha uga badan
1-Maamul ku xigeenka Madarka Berbera Mr Cismaan waa beesha Habar jecylo ee Wasiirka Duulista iyo Madaxwayne siilanyo ka soo jeedan
2-Xisaabiyaha Madaarka Berbera Yusuf waa Beesha habar jecylo isna
Shaqaale aad u badan oo ka hawlgala madarka Berbera dadkii kale xagaya tageen Wasiir
Madarka Burco
1-Maamulaha Madarka Burco Cabdi Yaasin waa Beesha Wasiirka Duulista Habar Jeceylo
IYO Shaqaale uga badan eek u Qoran Madarka Burco inkasta oo uu madarka magaalada Berbera Burco aanu wax shaqo ah Qabanin tani iyo intii Dayrka lagu soo Wareejiya inkasto aan madarka Burco aanay fadhiisan Karin Dayuurada wayni kuwa yaryar mooyaane
Madaarka Ceerigaabo
1-Maamulaha Madarka Ceerigaabo Aadan Hilaac
Wasiir ma cadaalada baa sidan miyaanaya dalka dadku wada lahay Afar Gobol oo afar madar ku kale leeyhiin afarta Madarba Maamukood waa Beesha adiga Madaxwayne Siilanyo ka soo wadda jeeda ayaya Maamulka Afartaa madarna ka soo jeeda Cadaalada aad sheegtaan xagaya ka jirtaa miyaana dadkii Deeganada Degan maya mise Qabyaalada ayaa ka jecshaha Cadaalada.
Hadaba wasiirka Duulista Maxamud Xashi Cabdi waxaa aan kugula tali lahaa in aad ogaato in aad Qofkasta oo reer Somaliland ah aad u tahay Wasiir waxaana lagaaga Baahan yahay in aad si cadaalada ah uga adeegto dadkaaga iyo dalka kagaagaba
Sidana aad wax ka badasho waa ceeb ayaya kugu tahay waxaanay dhiir galinaysaa Qabyaalada in lagu dhaqmo oo dalka ay Qabyaaldu ku faaftan idinka ayaa uga horeeya marka aad sidan u dhaqantan oo xilkasto oo soo bax aad u Magacawdu Reerkiina Dalkan reer ma laha ee waa la wada leeyahay Wsiir ogow Xuquuqda dadka ilaali.
Muuse Jamac Maxamed
FREE JOURNALIST Berbera

COMMENTS
Latest News