DADKII LAGU SOO CASUUMAY FURITAANKA MADAARKA BERBERA OO CADHO LA FANJEEDIYEY MARKII WASIIR XAASHI ALBAABKA XIDHAY

0
21

Berbera(Saxil News.com)-Garoonka Diyaaradaha Magaalada Berbara oo laga dhisay Tiriminaal cusub oo ay hirgalisay Dawladda Kuwayt, ayaa Maanta xadhiga laga jaray, Wasaaradda Duulista Hawada oo uu hormuud u yahay Wasiirka Duulista Hawada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi.  Xafladan lagu furaayay garoonka ayaa lagu casuumay masuuliyiin kala duwan oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxmauud (Silaanyo) iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo ay kamid ahayeen Wasiirka Madaxtooyadda, Xirsi Cali Xaji Xasan, Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaji Cali Cadami iyo Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamuud Jirde, Iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali. Sidoo kale waxaa Munaasibadan lagu casuumay dadweyne isugu jira Ganacsato, iyo marti sharaf kale.

11020998_342431665953189_1551932844630708137_n

Madaxweynaha Somaliland oo Diyaarad khaasa ku yimi garoonka isaga iyo Waftigiisu abaara 10;30 Subaxnimo, wuxuu salaam sharaf kadib guda galay kormeerida Tiriminaalka cusub, balse markii Madaxweynu guda galay gudaha Tiriminaalka waxaa mar kaliya lumay guud ahaan kala danbayntii Goobta, iyadoo dadkii la casuumay iyo Askartii ammaanka sugaysay gacmaha isula tageen, kadib markii Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ku amray shaqaale hosaad tirobadan oo khibrad la’aan badani ay ka muuqatay inay dadka celiyaan. Amarka Wasiirka ayay hawl wadeenadii Wasaaradda Duulista oo uu kamid aha Agaasimaha Guud si deg deg ah dadkii ugu fuliyeen, iyagoo aan u kala aabo yeelin masuuliyiin, ganacsato, Sarakiil iyo xubno kamid ah Saxaafadda. “Anigu amar ayaan qaba manan celiyeen Sarakiisha sar sare”. Sidaa waxaa ku tiraabay  mid kamid ah Dhalinyaraddii tirada badnayd ee labisnaa dirayska shaqaalaha Wasaaradda Duulista.

10013300_342431549286534_3905909826780895018_n1623740_342466312616391_3492692819368070653_n10681_342466605949695_9102985263866648928_n11066_342466839283005_2726757143383446802_n
10991311_342467115949644_3060592100718823813_n

“Inader waa lay casuumay, Wakan kaadhkii uu Wasiirku igu marti qaaday maxaa lay casuumaayay haddii lay celinaayo”. Sida waxaa tidhi mid kamid ah Hablo tirobadan oo Shaqaalaha Wasaaraddu gacmaha ula tageen.  Geesta kale dadweynihii la casuumay oo isugu jiray Ganacsato caan ah oo qaarkood masaafo dheer uga yimi Xafladan oo ay kamid ahaayeen Ganacsatada ugu caansan Magaaladda Burco, ayaa waji gabax kala kulmay amarka Wasiirka Duulistu ku bixiyay in aan la soo dayn cid kasta oo kaadh sita. Geesta kale dadweynaha la  casuumay ee hadana albaabada laga xidhay ayaa cadhadii waxay goobtii ku jeex jeexeen Kaadhadhkii ay gacanta ku hayeen. Lama garanaayo ilaa hadda sababta Wasiirka Duulista iyo Shaqaale hoosaadkiisu dadka u casumeen haddii aanay u diyaarin goobtii Xafladu ka dhacaysay.

Dhinaca kale Wasiirka Duulista Hawada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi oo sheegay in dhismahan Koobaan ee maanta xadhiga la jaray ay ku baxday lacag gaadhaysa 4.6 Milyan Dolar, ayaan soo bandhigin wax cadaymo ah oo sheegaaya in lacagta intaas leegi ku baxday dhismahan kooban.

berbera// Office

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here