XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA SOMALILAND OO GAADHAY WADANKA IGRIISKA

0
27

London (Saxil News.com)-

Global Law Summit waa Shir caalami ah oo lagu marti qaaday Somaliland. Shalay oo bishu ahayd

1

 

  waxaa uu safiirka jamhuuriyada qaranka somaliland mudane Ali Aden Awale iyo jaaliyada Somaliland ee Uk ay London kusoo dhaweeyeen xeer ilaaliyaha guud ee qaranka somaliland Mudane Xasan axmed Adan, oo ka qayb gali doona shir caalami ah oo loogu

magacaabo Global law summit kaasi oo uu martiqaad gaar ah ka helay dowlada UK. Shirkan oo ay kasoo qayb gali doonaan in ku dhow 2000 oo masuul isugana jira Xeer ilaaliyaal (Attorney genarals) Safiiro (Ambassadors) ganacsato amaba maalqabeeno (business people) aqoonyahano (Academics) raysalwasaarayaal (prime ministers) ka qayb galayaashan oo ka kala socda
caalamka oo dhan 100 ka mid ah ayaa aduunka aad caan uga ah. Hadaba shirkan waxa lagu xusi doonaa (Magne Carte) dii ingiriiska ama bayaankii cadaa ee saldhiga u ahaa xuquuqda aasaasiga ah ee qofka, bayaankan oo soo baxay 800 oo sano ka hor kuna beegan 1215 waxaana saldhig u
#ah (rule of law) ama nidaamyada sharciga ah iyo horumarka la gaadhay kobcida dhaqaale ee ku salaysan protocols ka amaba nidaamyada wax lagu hago. Hadaba shirkani wuxuu socon doonaa 3 cisho waxaanu ka qabsoomi doonaa guriga boqortooyada ingiriiska Buckingham Palace. Ka qayb galkani waxa uu muujinaya in Somaliland tahay mujtamac jira kana mid ah quruumaha badan ee
iskugu yimid shirkaasi maqaamka sare leh, mar haddii ay si rasmi ah dawlada ingiriisku ugu soo casuuntay, waxaa shirkan Somaliland uga qayb gali doona Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka mudane Xasan Axmed Adan iyo Safiirka London u fadhiya somaliland mudane Ali Adan Awale,
waxa kale oo ay labada masuul noo sheegeen mar aanu booqanay inay fursadan uga faa- idaysan doonaan madaxda badan ee ay la kulmi doonaan ee ka kala socota caalamka oo dhan sidii ay qadiyada Somaliland uga dhaadhicin lahaayeen madaxdaasi iyo marti sharafka kaleba
          berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here