Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Ayaa Hortaagan Ganacstada Somaliland Ku Khasbaaya Inaanayn Badeecadaha Dekeda Kala Bixin

0
33

Berbera (Saxilnews.com)-Waxaan Hore Maqaalkayga Ugu Iftiimiyey Dawlada Iyo Shacabka Somaliland Inuu Cunsuriyad Ku Yahay Arimaha Ganacsatada Iyo Dekeda Berbera Gudoomiyaha Rugta Ganacsigu Isagoo Ujeedo Fog Leh Waxaan Idin Xusuusinayaa Iyadoo Arinkan Gudi Loo Saaray loona balansan yahay xaajada ka wada Hadalkeeda Ayaa Gudoomiyaha Rugta Ganacsigu Ha Hordhacay Isla Markana uu Shir Jaraaid Ku Qabtay Magaalada Hargaysa Maalintii Shalay Ahayd ,Taasina waxay Cadaynaysaa Inuu Gudoomiyuhu Leeyahay Dan Fog Oo Xaydaabka Somaliland Ka Baxsan Isla Markaasina Aanu Doonaynn Inay Wax Ka Dhamaadan Arinka Ganacsada Somaliland Ee Khuseeya Cashuurka Khafiifka Ah Ee Xukuumadu Kordhisay

Kana Doorbidaayo Inay Xaalku Sidaa Ahaado Madaxna Layskula Jiro Waxanan Bulshada Usheegaya Inaanayn Jirin Wax Laysku Hayo Ama Lakala Jidhanayo Balse Ay Sababtu Tahay Horumarinta Iyo Kobcinta Dekeda Berbera Taasi Oo Ahmiyad Wayn Ugu Fadhida Shacabka Iyo Qarankaba Loona Baahan Yahay Inay Ka Qaadano Horumarka Dekeda Si Ay Ula Jaanqaado Dekedaha Deriska Iyo Kuwo Geeska Ku Yaala

Waxaana Xusid Mudan Oo Aan Ushayaa Ganacsatadu Inay Ogaadan Tacrifadaha Dekeda Jaarka Sida Jabuuti Iyo Xamar Oo Kale Qiimaha Wax Lagaula Soo Dego Laguna Dhoofiyo Oo 100 % 100 kabadan Marsada Berbera

Waxaan Usoo Jeedin Lahaa Xukuumada Iyo Haayadaha Sharci Inay Eego Oo Ay Dabagal Xoogan Ku Samayeen Xidhiidhka Qotada Dheer Ee Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Ee Saxaafada Marinaya Hadalo Dadka Iyo Dalkaba Jaah Wareeriya Oo Ka Fog Kana Dheer Wadanimada

Waxaan Kusoo Gababaynayaa Maqaalkan Kooban Waxay Ahayd Inuu Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Ka Qayb Qaato Dhex Dhexaadinta Xukuumada Iyo Ganacsatada Hadii Ay Wax Yimadaan Balse May Ahayd Inuu Mashruuc Aan Dhamaad Lahayn Uu Ka Dhigto Kicinta Ganacsatada Sharafta Leh Ee Dalka .

Garyqaan Cismaan Bullaale

Lasoco Qaybaha Danbe ………….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here