Magaalada Hargeysa waxaa xalay lagu dilay nin la sheegay in uu ka soo jeedo Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

0
20

Hargaysa (Saxilnews.com)-Gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa, Maxamed Maxamuud Cali Jeeniyare ayaa dilka ninkaasi u xaqiijiyay BBC-da.

Dilka ninkaasi wuxuu dhacay qiyaastii sideedii iyo barkii xalay, waxaana loo adeegsaday biskoolad sida uu sheegay gudoomiyuhu.

Jeeniyare wuxuu sheegay in laamaha ammaanku ay durba ogaadeen dhacdadaasi ayna hawlgaleen iyaga oo soo qabqabtay dad lagu tuhunsan yahay dilkaasi.

Bil ka hor ayaa dilkan oo kale Hargeysa loogu gaystay nin kale oo isna ka soo jeeda isla Deegaanka Soomaalida Itoobiya, sidaas oo kale ayaana dad loogu qabtay sida uu sheegay gudoomiyuhu.

ilaa iyo hadda ma cadda sababta dhabta ah ee loo bar tilmaameedsaday ragaasi.

Gudoomiyaha gobolka Maroodi jeex ayaa intaasi ku daray in dhacdooyinkan ay yihiin kuwo ku cusub Hargaysa.

Jabhadda ONLF ayaa horay dhawr jeer ugu eedaysay Somaliland in ay Itoobiya u gudbiysay dad Soomaali ah oo ka soo jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, inkasta oo ay Soomaaliland beenisay eedaymahaasi.

Calaaqaadka Somalilad iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sii xoogaysanayay sanadihii u dambeeyay, iyaga oo dhamaadkii sanadkii hore kala sixiixday heshiisyo badan oo ku aadan iskaashiga dhanka ammaanka iyo dhaqaalaha.

Xigasho Bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here