Xukuumadu waa Inay Talaabo Sharciga Waafaqsan Ka Qaada Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland

0
29

 

Hargaysa (Saxilnews.com)-Gudoomiayaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxmed Shurkri Jamac ayaa Manta Gelinkii Danbe Ka Sheegay Idaacadaha Voa Iyo Kuwo Kale inaanayn Ganacsatadu Badeecadaha Cashuuran Kuna Adkaysantaan Go,aan Koodii Hore

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Hada Mudo Xilkaasi Hayey Ayaa Umuuqda Tan Iyo Mudadii Ay Xukuumada Tacrifada Ku Kordhisay Qaar Kamid Ah Badeecadaha Koontiinarada Ku Yimaada Dekeda Berbera

Ayaa Waxa Uu Gudoomiayaha Rugta Ganasiga Somaliland Kujiray Olole Uu Kaga Soo Horjeedo G,aamada Xukuumada Isla Markaana Uu Abaabulayey Ganacsatada Dalka Ee Uu Hormuudka U Yahay Marka La Eego Dhinaca Dawlada

Waxaanu Saxaafada Kasii Daynaayey Hadalo Deel Qaaf Iyo Meel Kaga Dhac Ku Ah Xukuumada Iyo Maamulka Dekeda Berbera Isla Markana Ku Cabaraynayo Sida Dadka Mucaaridka Ah Dawlada Uu Kasoo Jeedo Kana Mid Yahay Talaabooyinkan Khaldan Ee Ku Kacayo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Ayaa Ah Kuwo Ka Fog Masuuliyada uu Qaranka U Hayo Gaar Ahaan Xafiiska Rugta Ganacsiga Somaliland

Waxa Kale Oo Yaab Lahayd Kadib Markii Uu Manta Gelinkii Danbe Ka Hadlay Qaar Kamid Ah Idaacadaha Kana Hor Dhacay Shir Sadex Geesood Ahaa Oo Lagu Qabanayey Huteel Maansoor Ee Magaalada HargaysaLagagana Hadlayey Arinka Dekeda Berbera

Kadibna Uu Afkiisa Furtay Isagoo Tixgelin Waayey Heshiiska U dhexeeyey Isaga Masuuliyiinta Madaxtooyada Dekeda Iyo Ganacsatada Sharafta Leh Ee wax Kala Soo Degta Dekeda Caalamiga Ah Ee Berbera

Sidoo Kalena Dadka Siyaasadaha Faalaya Ayaa Hadalka Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Ufasilay Inuu Meel Dabada Ku Hayo Lana Shaqeeyo Meelo Kale Oo Fog Fog Taasina Waxaa Cadayn U Ah Hadalada Meel Kaga Dhaca Ku Ah Dekeda Berbera Oo Ah Muraayadii Dalka Somaliland Waxaa EEgi Lahaa Gudoomiyaha Rugta Ganacsigu Hadii Uu Muwaadin Yahay Balse aanu Ahayn Dhadhamo Raadis Cid Kale La Shaqeeya

  • Tartanka Dekeda Berbera Kula Jirto Dekedaha Dhigeeda Ah Ee Ku Yaala Geeska Afrika Iyo Wadamada Jaarka

2-Waxaa Texgelin Lahaa Muhiimada Uu Dalka Uleeyahay Kala Socodsiinta Ganacsigu

3 – Waxaa Eegi Lahaa Samaynta Kacdoonadu Ku Leeyihiin Berbera Iyo Guud Ahaanba Somaliland

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Qodoba Uu Garan Waayey Waxaa Garanayo Caruurta Sidaasi Awgeeda Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Waxaanu Odhan Lahayn Dadka Iyo Dalka Khal Khal Uma Baahna Ee Jooji Fidmada Iyo Kicinta Shacabka

Xukuumadana Waxaan Ugu Baaqaynaa Inay Soo Fara Geliso Arimaha Ka Oogan Rugta Ganasiga Somaliland

Garyaqaan Cismaan Bulaale

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here