Berbera(saxilnews.com)-Wasiirada Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare ayaa maanta kormeer kusoo martay deegaanka Laasadacawo oo Magaalada Berbera kaga beegan koonfurta halkaas oo todobaadyadii udanbeeyay dadka deegaankaasi ku dhaqani ay ka cabanayeen masuuliyiin la sheegay inay ootanayeen dhul daaqsimeedkii deegaankaasi ee xooluhu daaqayeen gaar ahaan buurta Garaba Diir hoosteeda halkaas oo la sheegay inay qaarkood ka samaysteen beero sharci daro lagu tilmaamay oo ka hor imanaya siyaasada wasaarada deegaanka iyo daaqsinka.
Waxaanay Wasiiradu kormeer kusoo martay dhul aad ubalaadhan oo sife sharco daro ah loo ootay dhirtii ku taalayna la gumaaday iyada oo shaqsiyaad la sheegay inay masuuliyiin yihiin ay ka samaysteen beero siweyn looga soo dadka deegaankuna aad uga Qeyliyeen ugana soo horjeesteen iyada oo dhulkaas beraha ay ka samaysteena lagu tilmaamay dhulkii ka caaganaa in wax beero ah laga samaysto dhulkaasina uu yahay dhul daaqsimeed xoolaha lagu daajin jiray waligeedba.
Kormeera Wasiirka Waxa ku wehelinaayay Isuduwaha wasaarada Deegaan iyo horumarinta reer Miyiga Gobolka Saaxil Anwar Xasan Ibraahim oo si qota dheer uga war bixiyay dhul daaqsimeedka sifaha sharci darada ah loo ootay isaga oo xusay inaanay marnaba aqbalaynin in dhulka xooluhu daaqayaan beero laga samaysto dadka ficilkaas sameeyayna si qaawan uga hor iman doonaan dacwadna ay ugudin doonaan haayadaha awood uleh inay talaabo ka qadaan.
Gudoomiyaha Degaankaasi laasacadacawo Muuse Aadan Colujoog ayaa isaganu qeylo dhaan culus kasoo saaray dhacdadan dhul daaqsimeedkii lagu ootay dhirtii ku taalayna lagu gumaaday isaga oo sheegay inuu in badan arinkaas hadlaayay oo Maamulka heer Gobol iyo heer degmo ee Gobolka Saaxilna gaadhsiiyay.
Wasiirada Deegaanka iyo Horumarinta deegaanka ayaa wax lagu xumaato ku tilmaantay in rag masuulyiin ah oo madaxda qaranka katirsani ay sidaas dhul daaqsimeedkii ugumaadaan iyaga oo beero sharci daro ah ka samaysanaya waxaanau=y sheegtay inaanay hadhi doonin raga dhibtaas deegaanka gaadhsiiyay dacwadna ay ka gudbin doonto,
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warbixintan