Zidane Oo LIX Maalmood Gudahood Laba Koob Kaga Hadhay & Qorshaha U Dejisan Real Madrid Kaddib Ceebtii Xalay

0
26

Hammigii hanashada Copa Del Rey ee Real Madrid ayaa noqday mid soo dhammaaday xalay isagoo kusoo idlaaday qaabkii ugu ceebta badnaa ee ugu macquulsanaa kaddib markii ay reebtay kooxda heerka saddexaad ee Alcoyano oo waliba marka ay goolka guusha dhalisay casaan qabtay.

Guuldarradaas ayaa tababare Zinadine Zidane siinaysa cadaadis cusub oo dhinaca shaqadiisa ah xilli uu kulanku dhammaaday iyadoo ay garoonka ugu wada jiraan Hazard, Benzema, Valverde, Kroos, Casemiro iyo Asensio.

Taas ayaa ka dhigan in Real Madrid ay lix maalmood oo kaliya gudahood kaga hadhay laba koob oo ay xilli ciyaareedkan ku wada guuleysan karaysay.

Los Blancos ayaa lix maalmood kahor guuldarradii xalay afar dhammaadka Spanish Supercoppa kaga hadhay sababta kooxda Athletic Bilbao kahor inta aysan xalay CDR macasalaamaynin.

Guuldarradan ugu dambaysay ayaa bahdil ku ah koox leh burjiga Los Blancos waxaana ay lamid tahay midii xilli ciyaareedkii 2009-10 kaddib markii kooxda Alcoron ay 4-0 ku reebtay taas oo sababtay in dhammaadkii xilli ciyaareedka shaqada laga caydhiyo Manuel Pellegrini.

Zidane ayaa mari kara wadadii uu maray macalinka ree Chile xilli su’aal laga keenay hanaanka uu ciyaaryahanada u maamulo muddooyinkii ugu dambeeyay.

Real Madrid ayaa hadda si dhab ah uga fikiraysa booska tababare Zidane balse wali lama hadal hayo wax la xidhiidha in shaqada laga dirayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here