Ka dib markii la ceyriyay tababare Maurizio Sarri xilli ciyaareed ka dib markii uu noqday macalinka Juventus, waxaa durbaba laga hadlayaa tababarayaasha u sharaxan inay ka bedelaan shaqada Turin.
Sarri ayaa la ceyriyay ka dib markii uu ku guuldareystay xilli ciyaareedka Champions League ee kooxda iyagoo xalay ku haray wareega 16ka kuna baxay gacmaha kooxda Lyon.
Tababare Zinedine Zidane ayaa durbaba lala xiriirinayaa shaqada kooxda Juventus isagoo sannadkii 2016 sheegay inuu ku riyoonayo inuu maalin uun tababare ka noqdo kooxdiisa hore ee Bianconeri.
lala xiriirinayaa shaqada kooxda Juventus isagoo sannadkii 2016 sheegay inuu ku riyoonayo inuu maalin uun tababare ka noqdo kooxdiisa hore ee Bianconeri.
Laakiin Zidane ayaa biyo ku shubay wararka la xiriirinaya inuu ka tagayo Real Madrid isagoo sheegay inuu sii ahaanayo tababaraha Real Madrid ka dib guuldaradii 2-1 ee ka soo gaartay Man City ee ay uga hareen Champions League.
Zidane ayaa kooxda u qaaday horyaalka La Liga oo ah horyaalkoodii ugu horeysay ee tan iyo 2017kii.
Markii la weydiiyay haddii uu qorsheynayo inuu tababare ka sii ahaado Santiago Bernabeu xilli ciyaareedka soo socda ee 2020-21, Zidane ayaa bixiyay jawaab cad.
“Halkaan ayaan joogaa, waxaan ahay tababare Madrid ah ilaa iyo inay dhacaan wax qeyrul caadi ah. Dabcan halkaan ayaan joogaa” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id.
“Uma baahnid inaad waxba ka fekerto. Waxaan ahay tababaraha Madrid, waana intaas.
“Ma jiraan su’aalo kale oo la iska weydiin karo arintaan. Haatan dhamaanteen waan nasaneynaa, waxaana wajihi doonaa xilli ciyaareed kale oo weyn”