Yaa Xukuma Saldhigyada Booliska Hargeisa?? WQ Garyaqaan Ayaanle Xaliye

0
21
Hargaysa (Saxilnews.com)-Fadlan Akhri Xaqiiqada dhacdadan.
Ninkan idin muuqda ee koofiyada xidhani waxaa uu sito ee uu igu dhufanayaa waa Laptop kii Xafiiskayga, inta uu isoo weeraray ayuu sidaa idin muuqata ba laptop kii aan ku shaqaynaayey inta uu iga hor qaaday aniga igu dhuftay kadibna marmarka dhulka kusii dhacay Waxaanu ka jabay 3meelood، Ninkan wax shaqo ah oo noo dhaxaysay ma jirto waana markii 1aad ba ee uso galo ba Xafiiskayga , wa layga qabtay waana la saaray ISka waliba aflagaado iyo hanjabaad sii wada.
Kadib…….. waxaan u dacwad tagay Saldhiga Booliska deg Axmed dhagax (iftin) , waxaan geeyey laptop kaygii la kala jabiyey (Cadayn ahaan) ,maragyadii iyo waliba muuqaalkii ay duubtay CCTv camera xafiiskaygu oo xataa codka duubaysay?
Wuxuu ninkii kolba baxsado ama aniga dacwad iga horkeenaba Ugu dambayn ninkii waa la soo xidhay waxa la keenay OB ga Saldhiga markii la bilaabay in ninka lagu Qoro OB ga Saldhiga si loo xidho waxa OB noogu soo galay Wasiir Ku Xigeen ka Amniga Soomaliland Naasir Caydiid iyo laba askari oo uu watay , waxaana markii uu soo galay yidhi ” Mee ninka soo xidhay ninkan la xidhaayo askarigii OB qoraayey aya ku yidhi ” wasiir waa ninkan ku hortaagan ba oo Computerkisii ayuu ka jabiyey ninkani xafiiskiisana waa la weeraray wuxuu ugu jawaabay” ma intaas uun ba soo bax ayaanlaw waynu wada hadlaynaaye !!
Hadii aanu Saldhiga daaradiisa dhexe istaagnay wuxuu igu yidhi ” Ninkan lama xidhaayo ee ISka sii daa aniga ayaa Computer ku iibinaya hawshaasna dhamaynaaya” kadib waan ka diiyey oo waxaan ku idhi ninkani Xafiiskayga ayuu soo weeraray aniga iyo qalabkii xafiiskabayga ba khasaare ayuu noo gaystay , sidaa Awgeed hadad arintan xalkeeda doonayso ninkan hala xidho inaguna aynu maanta arinta ka wada hadalno hadad Oday u tahay adigu , intaas kadib wuxuu igu yidhi taas ma doonayo oo maanta waa khamiis ……..? ee hada Sii daa ama ISka tag aniga ayaa og waxaan yeeli doone, Ok Salaama!
Wan ka baxay Saldhigii markaan ogaaday in la xidhay ninkii , wasiirkii na uu telephone qabsaday una dhaqaaqay dhinaca xafiiska Taliyaha Saldhiga?
Laba Saacadood ka bacdi waxaan kusoo noqday Saldhigii si aan wax uga ogaado in ninkii xidhan yahay iyo in kle ??
Nasiib daro iyo Uqaadan waa waxaan ogaaday in ninkii markiiba la sii daayey oo aanu waxba iga dambayn ba !
Taliyaha Saldhiga ayaan waydiiyey Sababta loo Sii daayey ninkii wuxuu igu yidhi Saldhiga noogu kaalay beri Casarka ayaanu kaaga waramiye , Ok baan idhi markii Casarkii la gaadhay ayaan Saldhiga tagay aniga iyo laba nin oo aanu sxb nahay Nageeye iyo Cabdirisaq waxaanu u galnay xafiiska Taliyahii Saldhiga waxa la jooga markaas Wiil ay walalo yihiin ninkii Computer ka iga jabiyey, waxa Hadalkii bilaabay taliyihii Saldhiga Waxaanu igu yidhi “Ayaanlaw qaado Computer kaagii waakan oo waa lasoo eegay wax u qabaana ma jirto ” ilayn hadal I daa iyo hay odhan kuma yidhaaye!!!
Waxaan ku idhi Taliye ayaa soo ogaaday in aanu Computer kaygu waxba qabin.
Wuxuu yidhi “ninkan ay walaalaha yihiin ninkii ka jabiyey baan u dhiibay oo suuqa geeyey marka waxaana lasoo galiyey mouse iyo charger cusub wax u qabaana ma jirto ninkii loo geeyey ee farsamo yaqaanka ahaana waaba kan nala joogee haku sheego in aanu waxba qabin oo haku tijaabiyo hada !
Intaas kadib waxaan Taliyaha waydiiyey aniga oo yaaban.
1. Yaa dadka aan soo dacweeyay awood u siiyey in ay computer kayga qaataan oo uu suuqa geeyaan??
2. Yaa damaanad qaaday in xogtii aan umada ugu shaqaynaayey iyo taydiiba ay save tahay hada maadama la baadhay laptop kayga qalab cusub na la galiyey ?
3. Saldhigu ma waxa u noqday meel umada heshiiskooda lays kugu qasbo ??
4. Sidee ayaa aniga oo aan ogayn raali na ka ahayn aad ugu dhiibtay computer aan Saldhiga keensaday si dacwadiisa laygu gudbiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here