Yaa u maqan Kurdiyiinta markuu Mareykanka isaga baxo Suuriya?

0
20
MareykankaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionMareykanka waxaa Suuriya ka jooga ciidammo lagu qiyaasay 2,000

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in heshiis ku saabsan dhowridda dagaal yahannada Kurdiyiinta ee ku sugan Suuriya lala gaaro Turkiga, kaddib marka uu Mareykanka isaga baxo halkaasi.

Wuxuu ka hadlayay isagoo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta isagoo sidoo kale qadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Turkiga.

Xoogagga Mareykanka ee ku sugan waqooyiga Suuriya ayaa ka barbar dagaallamayay maleeshiyaadka Kurdiyiinta iyagoo ka dhan ah kooxda Daacish.

Turkiga, ayaa si kastaba, u arka kooxda (YPG) inay yihiin argagixiso wuxuuna wacad ku maray inuu cagta marin doono.

Kurdiyiinta Ciraaq oo u codaynaya afti madaxbanaani

Maraykanka oo Kurdiyiinta Suuirya hubaynaya

Xoogagga Ciraaq oo Kurdiyiinta dhul ka qabsaday

Pompeo ayaa booqasho ku maraya Bariga Dhexe, kaddib markii uu madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay bishii hore in ciidammadiisa uu kala baxayo Suuriya.

Isagoo weriyeyaasha kula hadlayay magaalada Abu Dhabi, ayuu Pompeo sheegay in Mareykanku uu garwaaqsan yahay xuquuqda dadka Turkiga iyo xaqa uu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu u leeyahay inuu dalkiisa ka difaaco argagixisada.

MareykankaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionMike Pompeo oo salaamaya dhaxal sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed Al-Nahyan

Pompeo ayaa sheegay inuu la hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu, isagoo intaas ku daray: “Weli faahfaahin badan ma hayo, balse waxaan ku rajo weynahay in natijo wanaagsan ay ka soo bixi doonto.”

Muxuu Turkigu ku jawaabay?

MareykankaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionMadaxweyne Erdogan ayaa ku hanjabay inuu la dagaallami doono kooxda YPG ee ku sugan Suuriya

Toddobaadkii hore, madaxweyne Erdogan ayaa si caro leh u diiday baaq uga yimid la taliyaha ammaanka ee dalka Mareykanka John Bolton, kaas oo ku aaddanaa dhowridda dagaal yahannada Kurdiyiinta.

Wuxuu sheegay in hadalkaasi uu yahay “mid aan la aqbali karin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here