Dhawaan madaxda Soomaalida waxay ku heshiiyeen in marka kale dalka ay ka dhacdo doorasho dadban taasoo ka dhigan in ergooyiin la soo xulay ay dooran doonaan xildhibaannada barlamaanka.
Halkii kursiba, musharrixiinta ku tartameysa waxaa u codeyn doona 101 qof, waxayna ka dhigan tahay in tirada guud ee codeynaysa ay gaareyso 27,775 Ergo.
Doorashadii dhacday sannadkii 2016, waxa kursigiiba u codeeyay 51 ergo, waxayna tirada guud gaareysay 14,025 oo qof.
Tobannaan ka mid ah ergooyinkii codeeyay doorashadaas ayaa lagu dilay magaalooyin kala duwan afartii sanno ee la soo dhaafay, kuwa badan oo ka mid ahna wadanka way ka carareen, halka boqollaal kale ay markii dambe cafis weydiisteen ururka Al-Shabaab si ay uga nabad galaan ugana badbaadaan dil.
2019 kii, Al-Shabaab waxay dhowr goobood oo kala duwan oo ku yaala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku soo bandhigtay boqollaal qof oo ay ku sheegtay in ay ka tirsan yihiin ergooyinkii iyo nabadoonnadii soo xulay ama ka qaybgalay doorashadii 2016-kii, kuwaas oo ay ku tilmaantay inay ka tawbad keeneen fal gaalnimo ah oo ay ku dhaceen isla markaana ay balan qaadeen inaanay dib ugu laaban doonin doorasho kale.
Damaanadda dhanka amniga ergada
Dad badan ayaa is weydiinaya cidda damaanad qaadaysa amniga ergooyinka wax dooran doona iyo nabadoonnada ergooyinka soo xuli doona ee doorashada hadda la filayo, kuwaas oo tiro ahaan ka badan kuwii 2016.
Nabadoon Maxamad Xasan Xaad oo ka mid ah hogaamiyayaasha dhaqanka ayaa rumeysan in la dayacay amniga ergooyinkii wax doortay sannadkii 2016-kii, taas oo ay ahayd in dawladdu masuuliyad gaar ah iska saarto.
“Horta in ILAAHAY qadaro dhimashada iyo nolosha labadaba marka laga reebo, wax dadaala oo aan isleeyahay dawladda way u diyaarsan yihiin ama ergooyinka laftigooda oo horey uga fikireen ma jirto, marka dadkaas waxan ku aqaana si hawtul hamag ah ay Meesha ku tagaan.
“Ka dib markay xildhibaannada doortaan dee culeyskeedey leedahayo, markiiba waxay la kulmaan werwer iyo cabsi iyo wax aan la xisaabi karin oo amaan darro ah,” Ayuu yiri nabadoon Xaad.
Balse booliska Soomaaliya oo u xil saaran amniga guud ee doorashooyinka ayaa ku adkeysanaya in ay diyaar u yihiin inay ilaaiyaan amniga cid kasta oo ku lug yeelan doonta doorashada soo socota.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Sidiiq Aden Cali, ayaa BBC Somali u sheegay in uu socdo qorshe ballaaran oo dhinaca amniga ah oo ku aadan doorashada iyo dadka ka qaybgalaya.
“Hadda waxan wadnaa qorshe, kulama wadaagi karo qorshuhu siduu wada yahay, wajiyadiisa iyo sida hannaankiisu wada noqonayo, laakiin waxan kuu sheegi karaa in amniga qorshihiisa uu meel fiican marayo.”
“Waa waajib in umadda Soomaaliyeed ogaadaan in doorashada nagu soo socota kaliya aan dareenka la siin iyo siyaasadda ee mid ka weyn la saaro amniga, marka waxan kuu sheegi karaa in qorshuhu meel fiican marayo aana rajaynayo sida ugu haboon in doorashooyinka u dhacaan dhanka amaanka,” ayuu yiri Gaashaanle Sidiiq.
Khubarada amniga ayaa rumeysan in casharo muhim ah laga baran karay wixii qabsaday ergooyinka ee lahaa dilka handaada iyo caga jugleynta ee uga imaanaysay Al-Shabaab.
Xuseen Macalin oo ah agaasimaha machadka Hiraal ee ka faalooda arrimaha amniga ayaa sheegay in casharada laga baran karay wixii dhacay ay ka mid ahaayeen inaan lagu laaban isla doorashadii 2016.
“Casharada laga baran karay waxay ahaayeen in doorasho aan noocan ahayn oo tirada intaan ka badan, oo aysan Al-Shabaab u suuragali karin in ay shakhsiyaad ay xogtooda ku kala fahmi karaan ama ku bartilmaameedsan karaan, in laga badiyo oo waxay ahayd in laga dhigo hal qof iyo hal cod – tii aan saxda ahayn mid u dhawdhaw – nasiib daro fursadihii iyo wixii la hayayba waxay ku soo gabagabeen in doorasho tii 2016-kii u eg lagu soo celiyo.
“Waxa kaloo laga baran karay in amniga dalka aad loo xoojiyo si aysan handaada Shabaab aysan u suuragalin oo Shabaab culeys ciidan iyo mid dhaqaale iyo mid kale oo owoodeedba la saaro,” Ayuu yiri Xuseen Macalin.
Hay’adaha amniga ayaa aaminsan in qaladaadkii dhacay wax laga bartay isla markaana qorshayaasha la dajiyay lagu saleeyay wixii horey loo bartay.
“Doorashada kaliya maaha mar walba. Yay tahay waajibkeen sugida amniga muwaadiniinta naftooda, maalkooda iyo dhamaan xasiloonida gayiga iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed?” ayuu yiri Gaashaanle Sidiiq Aden Cali.
Wuxuu intaa ku daray: “Marka maaha doorashadan oo kaliya. mar walba waa waajib na saaran, wayna jiraan casharo laga bartay doorashadii hore qaladaadkii dhacay, haddaba waxaan rajaynaynaa in sababta aan qorshayaasheenana u wadnay ay ahaayeen in aysan dhicin qaladaadkii oo intooda badan dhanka amaanka ka dhacay”.
“Hadda kulama wadaagi karo sida qorshayaashu wada yihiin laakiin waxan rabnaa oo umadduna xaq u leedahay in ay ogaadaan, oo aysan is dhihin ‘amaanka lagama taxadarin’. Inaan umadda dhagaheeda ku dhibcino qorshe aad u wanaagsan oo laga baaraandagay oo aan rajaynayo inuu xasiilooni iyo wanaag badan ku soo dabaali doonno doorashada iyo murashaxiinta iyo ergada iyo hawlwadeenada iyo dhamaan dalka oo dhan,” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sidiiq Aden Cali.
Odayaasha dhaqanka ayaa aaminsan in khatar ka weyn tii dhacday ka dib doorashadii 2016-kii, ay suurtagal tahay in ay dhacdo, waxayna ku baaqayaan in ergada laftigeedu taxadar dheeraad ah la yimaadaan, dawladduna la timaado hannaan lagu difaaci karo xubnaha wax dooranaya.
“Waxaan u malaynayaa in maadaama ergada ay ka badan yihiin kuwii hore, khatartooduna inay ka badnaan doonto, saas ayay ila tahay aniga. Balse waxan leeyahay iyagana taxadar ayaa looga baahan yahay, maxaa yeelay waxa culeyska ku imaanayo waa naftooda, hadday ka odayaal tahay iyo hadday ka ergo tahayba intaba.
“Dawladdana – midda hadda joogta iyo midda badali doontaba – waxan ugu baaqayaa in dadkaas oo maalin walba lagu gudbo, culeysbay la kulmaan, in amnigooda dawladdu wax ka diyaariso oo wax uun gabaad ah siiso sababtoo ah waa masuuliyad dawladeed, marka waxay ila tahay in aan la dayicin,” ayuu yiri nabadoon Maxamad Xasan Xaad.
Iyadoo la ogyahay khataraha ku hareereysan in laga mid noqodo ergada codeynaysa, haddana waxa la saadaalinyaa in si ka weyn 2016-kii, ay dad badan raadin doonaan ka mid noqoshada ergooyinka waxa dooranaya taas oo sida la sheegay ay sababta u tahay lacagaha ay helayaan inta doorashada iyo ololaheedu socdaan.
Wuxuu sheegay Xuseen Macallim: “Sidaan ognahay doorashada Soomaaliya oo ergo ay go’aaminayaan xildhibaan, inta aan ka ogeyn oo waayo aragnimadeena ah, waxay ahayd arrin ay dadka u arkaan fursad dhaqaale ay ka sameeyaan marka ma loo arko inay tahay masuuliyad qaran oo ay ku dooranayaan qofkii mustaqbalkooda u gaari lahaa go’aamadii masiiriga ahaa.
Marka maadaama dadka ay yihiin dad iska dhibaataysan oo faqri ah yihiin, fursaddaan dhaqaale way ku soo ordi doonaan mar labaad, laakiin waxaysan fahamsanayn waxa ku hoos jira iyo dhibaatada ka dhalanaysa oo mustaqbalkooda ah ama naftooda ay ku waayi karaan ama noloshoodu siyaabe kale culays ugu imaan doonto.” ayuu yiri.
“Shaki iigama jiro in mar labaad dadka ay ku soo yaaci doonaan ka mid noqoshaha ergada oo haddaan ka warhaynaaba in dadka aad u raadinayaan sidii ay ergada uga mid noqon lahaayeen, balse dawladda iyo cidda masuuliyadda amniga haysa ayaa looga baahan yahay qaabkii loo baajin lahaa oo arrimahaas looga hortagi lahaa inay qayb ka dhigto diyaargarowga doorashada,” Ayuu yiri Xuseen Macalin oo ka faalooda arimaha amniga.
Billaha soo socda ee Noofeembar iyo Diiseembar ayaa la filayaa in la doorto 275 xildhibaan ee uu ka kooban yahay Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka, waxana kursigiiba ka codeyn doona 101 ergo sida uu dhigayay heshiiskii bishii Sabteembar ay Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxda Soomaaliya.
Isla billahaas ayay sidoo kale barlamaannada maamul goboleedyada u codeyn doonaan senatarada ka mid noqonaya aqalka sare ee barlamaanka federaalka