Xuska Maalintii Dhagax-tuurka Ee 20-Ka Fabuery Oo Siweyn Looga Xusay Magaalada Hargeysa + Sawiro Hargeysa

0
23

Hargeysa (Saxilnews) Waxaa gabi ahaanba subaxan suuban ee saaka ah siweyn looga xusay guud ahaan iyo gabi ahaanba gobolada Jamhuuriyada Somaliland maalintii dhagax tuurka ee 20/2/1982-kii waxaanay noqotay maalintani maalin loo aqoonsaday maalinta dhalinyarada.

Waxaa maalintani ay noqotay maalin ku suntan horseedna ka ah halgankii dheera ee dadkan iyo dalkanba lagu xoreeyay ee ay naftooda u hureen dhalintii wakhtigaasi joogtay.

Xuska maalintan oo siweyn looga xusay magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka Maroodi, ayaa waxaa oo lagu qabtay goobta taalada u ah maalintan ee ka soo horjeedka maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa waxaa ka soo qayb galay badi dhalinta dada yar ee reer Somaliland.

Sidoo kale waxaa xuska maalintani qayb weyn ka ahaa ciianka booliska oo iyagu heegan ugu jiray sugida abniga maalintani,ciidamada nabad-galiyada wadooyinka, ciidanka muusikada ee Baanboyda oo tumayay heesta calanka, wasiiro, xildhibaano iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Waxaanay dadkani socod ku soo mareen iyaga oo ka soo dhaqaaqay barxada hore ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha wadada halbowlaha u ah isu socodka gaadiidka ee hor  marta madaxtooyada, iyaga oo sitay boodhadh iyo calamaan ,sidoo kalena madaxa ku duubtay calanka qaranka Somaliland.        
                

XigaSho:-Hangoolnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here