Russia:-(saxilnews.com) Xulka kubadda cakta Faransiiska ayaa xalay gaadhay ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Aduunka kaddib markii 1-0 uga badiyeen jiilka dahabiga ee Belguim.
Goolka qudha ee ay France ku gaartay finalka waxaa daqiiqadii 51-aad madaxa ku dhaliyay Samuel Umtiti oo difaaca ka ciyaara, kaasoo meel aanan ka fogeyn goolka Belgium ka helay kubad uu koonaha kasoo laaday ciyaaryahan Antoine Griezmann.
Waa marki ugu horreysay oo Faransiiska ay gaaraan finalka Koobka Aduunka tan iyo sannadki 2006-di. Dhalinyarada macallin Didier Deschamps ayaa wajahi doona mid ka mid ah xulalka England ama Croatia oo caawa foodda isku dari doona magaalada Moscow.