Xukuumadu Dul Qaad Badanaa Maxay Dad Daysay Anigu Aan Kaga Dayaamin Lahaa !!

0
28

Dawladan maanta jirta waxaaban la yaabay dulqaadkeeda iyo miskiinimadeeda, waxaan filayaa waxaan arkay inaad ila aragteen intaan aan arkina waad ila arki doontaan, intii aan dawlado arkaayey ee is bedelaayey dawaldan maanta joogta ee kulmiye ka dhalatay  maan arag dalwad Somaliland soo marta oo ka dul qaad iyo samir badan.

Waxaan arkay niman odayaal ah qaarkood mujaahidiin ahaayen kuwo  xasaanado xanbaarsanyihiin oo Tv_yada taagan, markaad istidhaahdo dhagayso ama daawo  waad wiz wizaysaa waxay nimankaasi ku hadlayaan, cayda iyo aflagaada aan loo aaba yeelayn, waxaan is waydiiyaa goormaa sidan loo kala fogaaday ? waar tolow maan la noolaan doonin?  Raggan karaamadii maxaa ka qaaday  se waxaan filayaa inay siyaasada ku dawakheen  oo bahashii madax martay iyo inay si kale tahay kala garan waayey anigu, waxaas oo dhacaya hadana xukuumadu dan kama lahee tolow ma mucaaridkaa biyo loogu shubay ?

Siyaasadu waxay ku wacnayd markii laysu sarbeebi jiray marna laysu duur xuli jiray, waxay wacnayd oo wanaagsanayd markii dhaliisha jirta laysu sheegi jiray si bilaan turxaana, bahashu markaasay karaamaysnayd mise tolow sanadkaa maantaa waa la casri gareeyey, qisooyinka mucjisadaa ee iga yaabiyey waxaa kamida nin shalay xil hayey oo masuul ahaa oo dawlada iyo xisbigaa kulmiye hadii lasoo qaado muraayadu jabi jirtay hadana maanta markii uu xilkii ka tegay afka furtay oo aanad moodaynba kii shalay , alla yaab badanaa ileen anagaa wax aragnay.

Waxaa la caayayaa ee la aflagaadaynayaa waa Madaxweynaha , Waar madaxweynuhu kaynu u codaynay ee farteena siinay ee dumarkeenii iyo caruurteenii u codeeyeen maanu ahayn,  ma waxaynu madaxweyne uga dhiganay inaynu cayno mise inaynu karaamayno oo sidii diintu tidhi ka danbayno amarkiisana qaadano ? bal idinkaa idiin dayeee kala saara labadaa ?

Dawladu waxay muujiysay Dawladnimo waxay muujisay masuuliyad xilaksnimo iyo dulqaad badan waana arin loo baahnaa balse waxaan dawlada kula talinayaa inay wixii sharciga iyo xayndaabka  ka talaaba dib loogu soo celiyo, Waxaan doonayaa inaan ragg badan oo odayaal ah halkan fariin uga diro waxba magacyadooda sheegi maayee waa is garanayaan baan filayaa, waxaan leeyahay waar niman waa weyn baad tihiin dadka waxaad ka mudan tihiin sharaf ee sharaftaa hayska qaadina oo  hibo eebbe ku siiyey habeen layska qaadee wax iskula hadha, inuun if iyo aakhiradiina u tudha.

Ugbaad  Sulub 

Oslo/Norway 

ugaabjalaqsan@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here