Waxayna sirdoonkaasi sheegeen in iyadoo baadhitaan lagu wado gaadhigaasi uu qarxay kuna qarxay kaantarool ku yaala duleedka magaalada Muqdisho ee Siinka-dheer,waxaana ragan sirdoonka ahi ay soo bandhigeen bileedh nambar cad oo aan u eekayn mid gaadhi qarxay ku xidhnaa waxaana ay sheegeen in gaadhigan qarxay uu ku xidhnaa taariko laga leeyahay Somaliland.
Maalinkii khamiista ayaa waxa magaalada Muqdisho ka socotay doorashada xildhibaanada sheeganaya inay matalayaan Somaliland ee u tartamaya aqalka hoose ee somaliya,taasi oo ka socotay xarunta booliska ee somaliya.
Xukuumadda Somaliland ayaan iyadu ilaa hadda wax jawaab ah ka bixin dhawaaqan kasoo yeedhay hay’adda sirdoonka Somaliya ee ay ku sheegayaan in gaadhigii Khamiistii qarxay uu ku xidhnaa taariko ama bileedh namber laga leeyahay Somaliland,taas oo uu u muuqata mid Somaliya ay kaga soo horjeedo nabada iyo xasiloonida ka hana qaaday Somaliland ee ka jirta iyo daacayado ay ku wiiqayaan qaranimada Somaliland,
Gabagabadiina gaadhiga ay sheegeen sirdoonka Somaliya inuu qarxay isla markaana uu ku xidhnaa bilaydh nambar laga leeyahay dalka somaliland ayaa ah kan aan halka hoose idiinku soo bandhignay,waxaana xusid mudan indhihiinuna ay arkayaan in gaadhiga qarxay ee ay sawiradiisu idiin muuqdaan iyo taarikada ay sheegeen inay ku xidhnayd aanay mid isku dhaw ahayn. Bileydh nambarka ay soo bandhigeen ayaa ah kan aan idin soo bandhignay umana muuqdo bilaydh nambar ku xidhnaa gaadhi qarxay,waana kan sawirada gaadhiga qarxay iyo taarikada ay soo bandhigeene daawasho haboon