Xukuumadda Oo Beesha Caalamka u Jeedisay Dalab la Xidhiidha Dhacdada Laascaanood

0
301

 

Hargeysa (Dawan)- Xukuumada ayaa beesha caalamka uga baaqday inay dhaliilaan argagxisada hurinaya cabashada bulshada Laascaanood, hanaan qabiilna u dhigaya.

Qoraal shalay lagu baahiyey mareegta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa lagu deedafeeyey fariin Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Souefmo Elamine kaga hadlay dhacdada Laascaanod, oo ah degmo ka tiirsan JSL.

Sidoo kale, waxay xukuumadu uugu baaqday inay ka hadasho qalalaasaha maamulada jaarka, kana taageeraan xasilinta nabada iyo deggenaanshaha bulshada.

Qoraalka Wasaaradda Khaarajiga ayaa yimi ka dib markii Wakiilka Midowga Afrika dhowaan si khaldan uuga hadlay qadiyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here