“Markii xukumadda kulmiye xilki qaranka qabatey tallaabadii kowaad ee ay qaadey waxay aheyd, baabinta xisbigi udub iyo qawriciisa waxaanay ku tukatey salaatul jinaasa bilaa takbiir ah, waxaanay ku aastay xabaalaha aar-goosiga ee xisbiga kulmiye leeyahay.
7 sanno kadib waxay maanta cimrigeedi ku soo gunaanadeysaa baabinta xisbiga ucid waxayna ku tukaneysaa salaatul jinaasa macal sujuud wadata. Balse waxaan isweydiinayaa talow yaa ka imam noqon doona? Ma Madaxweyne Silanyo, Musharax Muse, Gudoomiye Faysal, mise Musharax Jamaal Cali Xuseen? Wax-qabadka xukumaddi kulmiye la odhan jiray un iga dheh! iyadoo lagu xussi doono lagu xasusan doono, musuq, qabyaalad, caddaalad –darro, eex, qaraabakiilnimo muddadii ay xilka haysay,”
Barkhad Jaamac Batuun.