Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Inay Dhismayso Warshada Sibidhka Berbera ”

0
27

Berbera (Saxilnews.com)-

Xukuumda Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay dhismaha warshada sibidhka berbera Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb Oo Hargaysa Shirjaraaid Ku Qabtay Hargaysa Ayaa Sheegay In Bilaha Soo Socda La bilaabi doono kicinta Warshada Sibidhka Berbera kadib markii ay xukuumada Somaliland ay ganacsatadii horre ee xukuumada Somaliland usaxeexday iyo ganacsade reer kuwayt ah ay dhisidoonaan Warshada sibidhka Berbera

Wasiirka ayaa sheegay in loo baahan yahay dhaqaajinta warshada sibidhka isagoo balan qaaday inay xukuumada Somaliland ay qorshaynayso sidii degdeg loogu dhisilahaa warashadaasi isagoo xusay inay ganacsatadii dhisi lahayd ay balameen dhamaadka bisha feebaraayo kadibna lagu dhaqaaqi doono hirgelinta warshada sibidhka berbera

Isagoo xaqiijiyey inay dawladu ku dadaalayso kor uqaadista kaabayaasha dhaqaale kadib markii la joojiyey xoolaha Somaliland oo ahaa laf dhabartii dhaqaale ee dalka taasina ay keenayso hoos udhaca dhaqaale hadaan sid dhakhso ah looga fakarin dariiqii looga gudbi lahaa waxaanu hoosta ka xariiqay inay talaabadani noqon doonto mid hirgasho mustaqbalka dhow

Arintani yaa kusoo beegmaysa khilaaf hore uga dhexeeyey qaar kamid ah ganacsatada hore loo siiyey wakhtigii dawladii riyaale iyo ganacsato ay xukuumada Somaliland siisay kuwaasi oo labo garab ukala jabay sanadkii 2011kii mar kla doonayey in la dhiso warshadaasi sibidhka hase ahaate waxay kamid noqonaysaa hadii ay warshadaasi hirgasho kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here