XUKUUMADA SOMALILAND OO SHAACISAY IN LA FURAY DHOOFKII XOOLAHA, KANA HADASHAY RAJADA AY KA QABTO INAY SII SOCOTO DHOOFINTA XOOLUHU

0
19

Hargeysa(saxilnews.com):-Xukuumada somaliland ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in la furay dhoofkii xoolaha.
Wasiir ku xigeenka wasaarada xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga marwo Yurub Abiib Cabdi ayaa sheegtay in si rasmi ah loo furay dhoofkii xoolaha somaliland isla markaana ay xukuumadu rajaynayso inaanay istaagin.
Marwo Yurub Abiib Cabdi wasiir ku xigaanka xanaanada xoolaha oo arimahaasi ka hadlaysa ayaa waxay tidhi “Dhoofkii xooluhuna way bilaabmeen oo shalay aayey laba markab baxeen, waxaanan filaynaa in mudo dhaw oo ciida Carafo ku beegan ay xooluhu toos u dhoofi doonaan iyada oo rajadeedii iyo natiijadeediiba waa la hayaa.”
Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha oo hadalkeeda sii
wadata ayaa intaasr raacisay “Waxaanu ku rajo weynahay in xidhiidhada, wada hadalka socda iyo heshiisyada la galay inaanay noqon wax joogsada balse ay noqdaan in xoolaheeni ay sidii hore ee caadiga ahaa ay u dhoofaan oo aanay sida ay hada u bilaabmeen aanay u joogsan doonin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here