Xukuumada Somaliland Oo Raashin Mucaawimo Ah Gaadhsiisay 1200 Qoys Oo Ku Dhaqan Xeebaha Gobolka Saaxil Iyo Wasiirka Xuseen Cabdi Ducaale Oo Ka Dul Ilmeeyey Dadkii Masaakiinta Ahaa + SAWIRO

0
27

Berbera (Saxilnews.com)-Wasiirka Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale Oo Uu Weheliyo Sarkaalka Ugu Sareeya Haayada Sahimanta Shidaalka Somaliland Rak Gass Iyo Sidoo Kale Gudida Gurmada Abaaraha Iyo Madaxda Gobolka Saaxil Ayaa Raashin Caawimo Ah Gaadhsiiyey Dadka Ay Abaaruhu Saameeyeen Ee Ku Dhaqan Deeganada Xeebaha Gobolka Saaxil

Gaar ahaana Deeganada Xagal Iyo Lasciidle Waxayna Halkaasi Gaadhsiiyeen Raashin Qayb Ka Ahaa Caawimo Loogu Talogalay Ilaa 1200 Qoys Oo Ku dhaqan Deeganada Bariga Gobolka Saaxil Iyo Sidoo Kale Ilaa160 Booyadood Oo Biyo Ah Kuwaasi Oo Manta Waji Koobaad Laga Qaybiyey Deeganadaasi

Wasiirka Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale Ayaa Sheegay Inuu Raashinkani Qayb Ka Yahay Raashin Ay Shirkada Raak Gass Ay Ka Codsadeen Oo Loogu Talogalay Dadka ay abaartu ku baahday eek u dhaqan jamhuuriyada Somaliland gaar ahaana deeganada ay haayadu samaminta shidaalka ka bilaabayso .

Taasi oo uu sheegay inay ka qaybiyeen ilaa 13 tuulo oo ay ku dhaqan yihiin dad aad utiro badan wasiirku waxaa uu faray dadka ku dhaqan deegankaasi inay raashinkaasi isgaadhsiiyaan kana war hayaan qoyska jilicsan isagoo maamulka gobolka usoo jeediyey inay deeganadaasi ukala eegaan sida ay ukala jilicsan yihiin .

Dadka ay xooluhu ka dhamaadeen ay biyo la,aan udheertay ayaa si wayn ugu mahad naqay haayada iyo xukuumada Somaliland sida ay ugu soo gurmtay dadkoodaasi jilicsan

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here