Hargeysa (Saxilnews):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland
isla markaana laga soo doorey gobalka Saaxil waxaa uu si adag uga hadley saldhig militery oo la sheegay in magaalada Berbera laga siin doono dawlada Imaaradka Carabta
Xildhibaanku waxaa uu sheegay in aanay xaq u laheyn xukuumad saddex bilood u hadheen in ay heshiis gasho isla markaana heshiiskaas la sheegay in xukuumadu la soo gashey dawlada Imaraadka aanu noqon doonin mid suurto gala
“Marka Saldhig la bixinaayo wax weyn weeye , wax lagu ciyaaro ma aha inta warqado la iska saxeexo dabadeed waxooga la iska qaato ma aha , saldhigaasi carqad buu keenayaa , maxaa saldhiga loo rabaa , yaa lagu duulayaa , maxaa dan inoogu jira , arintaasi waa arin qaran xisbiyada , golasha ayaa la doonayaa in ay ka qeyb galaan oo qaranka oo dhami iska yimaado “ayuu yidhi xildhibaanku
Sidoo kale xildhibaan Siciid Cimi Rooble oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in aanu Imaaradku Somaliland waxa u taraa aanay jirin
“Dal aan ku aqoonsaneen oo wax uu ku taraa aanay jirin , waar Imaaradku maxaa uu ina taraa , saldhigaasi waxba kama jiri doonan , anigu waxaan leeyahay saddex bilood baa xukuumadeey ku hadhey xaq uma lahid in aad heshiis gashid “ayuu yidhi
Ugu Danbeyn xildhibaanku waxaa uu sheegay in abaaraha dalka ka jira ilaahay ka sakow uu xisbiga Kulmiye dalka u horseedey
“Ilaahaban ku dharaatee abaarta iyo sadaqada xisbiga Kulmiye ayaa inoogu wacan , waar abaar baa jirta ee meeday sadaqadii ma saddex markab oo carabi halkaas so dhigto ayaa la waayey , wax ay carabi inoo haysaa ma jirto xaqul qalinkaas mooyaane , qaankani xaqul walahi in aanu ku jirin doonin ” ayuu yidhi