Xukuumada Puntland oo Saaka Dil Qisaas ah ku Fulisay 18 Qof

0
17

Maxkamadda Ciidamada Puntland ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa goor dhaweyd toogatay 18 qof oo dhawaan lagu xukumay dil, kaddib markii lagu helay falal aragagixisonimo ah, sida ay sheegtay waaxda caddaaladda ee Puntland.

Wariyaha VOA-da ee magaalada Gaalkacyo Cabdiwaaxid Macalin Isxaaq ayaa soo sheegay in tiramada markii hore dilka lagu xukumay ay ahaayeen 17 eedeysane, hase yeeshee ay maxkamaddu dib ugu laabtay kiiska eedeysanaha kale, taas oo tirada guud dilkii saaka ka dhigeysa 18.

Labad todobaad kahor ayay aheyd markii maxkamaddu ay raggan ku xukuntay dilka, waxaana Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Puntland Jeneraal Maxamuud Cabdi Maxamed uu VOA u sheegay markii ay go’aankan maxkamaddu ridday inuu ahaa mid caddaalad ah.

Ehellada mid ka mid ah ragga la xukumay ayaa VOA u sheegtay inay maxkamaddu ahayd caddaalad darro. Waxay codsatay in magaceeda la qariyo sababo dhinaca amniga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here