XUKUUMADA OO XABSIGA KASII DAYSAY MURRASHAXIIN KA XIDHNAA XISBIYADDA MUCAARIDKA AH EE UCID IYO WADDANI.

0
27

Hargaysa (Saxilnews.com)-Murrashaxiin ka xidhnaa xisbiyadda mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa xarriyadooda dib u helay.

Murrashaxiinta u tartamayay doorashada isku sidkan ee golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa maanta laga soo daayay saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa oo ay in muddo ah ku xidhnaayeen.

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ay wehelayaan mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyadda UCID iyo WADDANI ayaa saldhigga dhexe ee Hargeysa kaga hortayay Murrashax Qaasim Saleebaan oo xisbiga WADDANI uga tartamaya gobolka Sool.

Guddiga doorashooyinka iyo komishanka xuquuqal iinsaanka ayaa hore u cambaareeyay xadhiga murrashaxiinta mucaaridka ah iyaga oo ku baaqayay in dib loogu soo celiyay xorriyadooda

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here