Xukuumada Oo Ku Amaanan Dhismaha Iyo Horumarka Wadanka

0
21

Inkastoo aan waayadan ka maqnaa  hawada  hawlo badan daraadood hadana alxamdulilaah hada waan isu soo laabanay, maanta waxaan doonayaa inaan xoogaa ka yara hadlo wanaaga iyo horumarka xukuumada uu hogaamiyo Xaaji Axmed Siilaanyo.

Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay  Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Aadan  hubaal  waa mid tariikhda  baal dahaba ka gashay,  dadku ma gartaan hada xiliga la joogo waxa wanaago ku jiro iyo waxa xumaantu ku jirto balse waxay  gartaan marka waxaasi tagaan ayey ku amaanaan, waxaa ka fiican inta aad hadhaw amaani  lahayn inaad  ku amaanto  xiliga waxkastaaba taagan yihiin wanaagoodu.

Sidaa awgeed waxaan Dawlada Somaliland ee maanta jirta  ugu hanbalyeynayaa  kuna amaanayaa horumarka iyo dhismaha wadanka, waxaa hubaal ah, dhaliil kastoo jirta waxaa ka badan wanaaga iyo samaanta ay dawladu  qabatay  dhankastoo laga eego  xukuumada Siilaanyo waxay ku jirtaa dedaal aan la jaraysan Karin.

Xamdi mahad marii hadii ay  noo dayactirtay Wadooyinkii, dadkii reer Somaliland tustay inay wax qabsan karayaan  sababtoo ah waxkasta waxaa ka muhiimsan in lagu dhiiri geliyo  oo lagu tuso awoodaada,  Xukuumada xaajigu  ilaahay baa mahad lehee wax sida cad ceeda u cad ayey qabatay, waanu aragnaa dhismayaaasha bilicsan ee wasaaradaha ,  dhismaha madaarada iyo dekada berbera, waxaan sidoo kael ku amaanayaa aan ku farxaa markaan arko  Ciidamada qaranku siday ugu labistaan darajeda, waxaana amaanteeda iyo sharafteeda leh  Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Xukuumadiisa.

Allow Xukuumadaa noo daa , waxay bulshada tustay  tag tooda iyo tamartooda inay waxkasta ku qabsan karayaan iyagoo is kaashanaya , waa ta xukuumada maantu hormuud noogu ah in lagu hirto  oo la dhiso  jidka dheer ee Ceerigaabo iyo burco oo ay Awoodi wayday cid kale iska daayee rajiibkii siyaad bare , hanbalyo iyo  mahadin ayaan usoo jeedniyaa Dawlada maanta waxaanan shacabkayga kula dar daarmayaa inay isbarbartaagaan  xukuumada maanta .

Ugbaad Jalaqsan

ugaabjalaqsan@gmail.com

Oslo-Norway

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here