Hargaysa (Saxil News.com)-Xaflad balaadhan oo ay xilka kula kalawareegayeen Xoghayihii hore ee Dawladda oose Mawliid Waris Cabdilaahi iyo Mr Raaabi oo ah Xoghayaha cusub ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargrgeysa.
Xaflad balaadhan oo ay xilka kula kalawareegayeen Xoghayihii hore ee Dawladda oose Mawliid Waris Cabdilaahi iyo Mr Raaabi oo ah Xoghayaha cusub ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargrgeysa.Xadfladda munaasibadan oo si qurubadan looga soo shaqeeyey abaabulkeeda waxaa ka soo qaybgalay Maayarka Hargeysa,mudanayaasha Golaha Deegaanka,sulaadiin,siyaasiyiin iyo dadweyne kale oo farabadan,furitaankii xafladaasi waxaa ka hadlay
Ku xigeenka duqa caasimadda cabdicasiis Maxamuud Xaashi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay “ka soo qaybgalka xafladda xil wareejinta ee xoghayihii hore oo aanu wada shaqaynaynay oo si fiican usoo wada shaqaynay iyo xogyaha cusub oo aan filayno in sidii hore si ka fiican u wada shaqayn doonno”Agaasimaha arrimaha bulshadda Khadar Yuuusuf Cali ayaa isna ka warbixiyey shaqadda dawladda hooose iyo qaabkay u wada shaqeeyaan.
“runtii farxad bay ii tahay anigoo ku hadlaya magaca shaqaale dawlada hooose, waa munaasibad xil wareejineed oo aan loo baahnayn in hadal badan la yidhaahdo, xilkan waxa hayey saddex sanno iyo dheeraad mawliid weris oo hadda loo bedelay agaasimaha warshadaha, waxaana u mahad celinnayaa sida wanaagsan ee uu noola shaqeeyey, waxaan odhan kara mudaddaasi uu xilka hayey wax badan ayuu nasiiib u helay, si fiicana wuu ula jaad qaaday golaha cusub ee dardarta cusub la yimid, sidaa darteed si nadiif ah ayey kaga tagayaa, xoghayaha cusub ibraahim Raabi marka hore xilka cusub ee loo igmaday waannu ku soo dhoweynaynaa, waana hawl balaadhan oo u baahan Samir iyo dulqaad, waana mashiinka hawlaha dawladda hoose socodsiiya, ilaahay waxaan u beryeyaa inuu u fududeeyo, waxaana u balanqaadayna in sidii xogyihii hore ula shaqaynay iyo si ka wanaagsan ula shaqayn doonno”.
Suldaaan yuusuf Muxumed Xiirey “aad iyo aad baan uga mahad naqaya maayarka caasimada iyo golaha deegaankaba, waxaan uga mahad naqayya sida qiimaha badan ee sidexda masuul u wada shaqeeyeen iyo guulaha ay ka gaadheen horumarka caasimadda, waana qirayaa waxqabadkiinna muuqda, waxa kale usoo jeedinayaa xogyaha cusub inaad si wanaagsan u wada shaqaysaan waayo sharaftu waxay ku jirta in la wada shaqeeyo oo aan la is khilaafin, waxaana tahay qofkii ku haboonaa iyo gobolkii ku haboonaa inuu noqday xogyaha cusub”
Suldaan Bare xaaji Xasan ayaa isna soo dhoweeyey xogyaha cusub iyo xogyaha la sii galbinayo waxaanu sheegay inay duco ku sii sagootinayaan Xoghayihii hore kan cusubna ducu taalamida u soo dhawaynayo isaga oo Suldaanku sheegay inaanay ceebi ka iman doonin Xoghayaha cusub “Xoghayihii hore waxaanu ku sii sagootinaynaa duco kan cusubna waxaanu ku soo dhaweynaynaa ducotaalamida waxaanan hubaa inaanay ceebi ka iman doonin xoghayan cusub” ayuu yidhi
Afka jaamacadaha dalka Xuseen ayaa sheegay in xogyaha cusub dhawr jeer ka dhameeyey jaamacada Admas, halka xogyaha horena wax ka bartay jaamacadda Admas.
“labbadda masuul ee xilka isku wareejinayaan labadduba jaamacadda ayey ka baxeen, waana rag dhalinyaro ah oo karti bbadan oo wax badan ka qaban kara caasimadda Hargeysa, wasaaradda cusub ee lagu wareejiyey adiga laga rabaa sidiii mashaariic u samayn lahayd oo xaga wasaarada warshadaha, waxaan idin leeyahay haddii aad gacmaha is qabsataan meel baad wada gaadhi doontaan, shaqaalaha waxaan leeyahay haddii aad xogyihii hore la shaqaysaan isaga la shaqeeya, masuuliyiinta yaan habeenkii loo kala gudin oo khilaafka yareeya si aad wax u qabataan”gudooomiyaha jaamacadda Admas Xuseen.
Gudooomiye ku xigeenka 2aad ee golaha Wakiiladda Cali Yuusuf oo isna ku hadlayey magaca golaha wakiiladda ayaa ku booriyey golaha deegaanka caasimada inay wax badan qabtaan, isla markaana dadka wadooyinka ku hor ganacsadda laga qaado oo meelo ku haboon la geeyo.
“waxaan leeyahay xogyaha cusub in Hargeysa oo dhan dhex u noqoto, masuuliyiiinta kalana wada shaqaysaan”ayuu yidhi Cali Yuusuf.Xogyihii hore mawliid Weris Cabdilaahi ayaa sheegay in munaasibbadani tahay mid xil wareejinayo hawshii balaadhnayd ee uu caasimadda u hayey.
“masuuliyaddu way culus tahay, aad baan ugu faraxsanahay in anigoo nadiif ah ka tago shaqaddii, waxaan imid shaqaalihii dawladda hoose oo afar bilood mushahar u xaadirinn ayaan imid oo aan daboolay, isla wakhti kooban ayaa mushaharkii u kordhinay, mar labaadkii oo maayarku nagu soo gaadho ayaanu hadana kordhinay mushaharkii shaqaalaha, waxa kale oo lacagta ka bixinaa ardayda dhigta jaamacadaha, waxyaalaha aanu kala kulanay wax aka mid ahaa anagoo kor u qaadnay dhaqaalihii dawaldda hoose 18 bilyan ah, sanadkii ina dhaafay waxa uu marayey 41 bilyan ayaanu ka dhignay, walina kor buu u socdaa, waxa jirta oo aan xafiiska kula kulmay iyadoo xafiiska lagu cadibi jiray oo dadku u sinaan adeega loo qabanayo, musuqmaasuqu laba nooc ayyuu ahaa midna waanu dilnay midna waanu suuxinay, ka feejignow inu kugu sooo miyirsan arrimahaasi.”ayuu yidhi mawliid weris
“Si musuqmaasuqa loo yareeyo waxaanu samaynay guddida qandaraasyadda oo aanay dawladda hoose lahayn, waxaanu samaynay wadooyin badan, sanadkii ugu horeysya 2012 waxanu samaynay 36 km ka tayo wannaagsan kuwii hore, waxaan la kulmay iyadoo laba gole kala wareegayo, laakiin golaha cusub waxa yimadeen xili nin walba lagu yidhi wax aka xigta maayirnimada inaad golaha gasho, wax kala jjiidasho ayaa badnaa waxaan kugu wareeinayaa gole midaysan ooo wada socda, haddii khilaaf yimaado waxa kugu haboon in aad isku jiid jiid kuu samayso haddii aad xalin waydo waa inaad maamulka la safato, dawladda hoose waxay u baahan tahay maayar u fikiray wax qabad oo aan ka fikirin inuu kursigiisa ilaashaddo, shaqaalaha dawaldda hoose waxa ku jira rag aad u karti badan oo hawshaad u dirtaba ka dabooli karta, waxa jirta qaar aan daalin oo hawshooda ka daalin ayaa jira, anigu marka aan imid kuma degdegin eriskooda iyo kala bedelkooda waan kaga dardaarmayaa intaad baranayso, waxa jirta mashaariic socota waxa ka mid ah laydhii baabuurta, kuwii qashinka lagu gurayey, qalab wadooyinka loo diray oo maqan, waxa ku gabogayanyaa Hargeysa waxa dhakhtarka weyn ku jira oo aanu siino xoolo, ilaa imika way socota.
Dawladda hoose isku dheeli tirka shaqaalaha xaga haweenka iyo raga, raga inta badan waa kan qaadka lagu aafeeyey, laakin dumarku xaga dhaqaalah guryahooda way ku celiyaan, maayarku wuu tayeeyey, dumarka qaar baa madax ka ah degmooyyinka”ayuu ku soo xidhay hadalkkiisa Mawliid Weris.
Xogyaha cusub Ibraahim Axmed Raabi ayaa u mahad naqay xafladan loo sameeyey xil wareejinta ” nin kartii iyo aqoon u hadhay hawshana si fiican usooo gutay in uu si fiican u gatayna waxa markhaati u ah marka uu baneeyey kama dhicin ee wuu dalacay, taas ayaa markhaati ka ah, aniga iyo imaatinkayga waa hawl culus oo warwar igu ah, dadka wax qor qora waxay ku tilmaama dalka ugu fiqiirsan, dadkeena waxaan u aqaana dad horumarka jecel, waxaana markhaati u ah 1991 kii halka ugu nimid iyo halka ay maanta marayso, waxaynu nahay dad nabadda iyo horumarka jecel, insha allaa harumar badan ayaa socda, dawlada maanta jirta ee madaxweynaha ka yahay axmed siilaanyo inay tahay dawlad horumarineed, dawlad u taagan horumarinta dalka, ka xoghaye ahaan waxaan rajaynaya inaan kaga dayan doonno horumarka ay dawladdu waddo, maadaama oo xilkii xogyaye nimo kow ii tahay waxaan ballanqaadaya xilkaasi maanta la ii dhiibay u qaban dooono si daacadnimo, waxaan dhiirigalin doono maamull wanaaga, waxaan xoojin doona xidhiidhka dawladda hoose iyo arrimaha gudaha oo aan ka soo jeedo, waxaan tayaadeedda kor u qaadi doonaa shaqada iyo shaqaalaha dawladda hoose, waxa ka fikirayo ka mid ahaa inaan markii ugu horeysay diyaarin doono qorshe hawleed ay ku shaqayn dooonta taas oo ugu yaraan noqon donna saddex sanno oo la sii odoroso, wax kasta oo dawladda hoose qaban doono lagu dhamaystiri doonno, qorshahaasi waxa uu marjac u noqon dooonaa waddaa aanu ku socono, waxa uu noqon doonno muraayada aanu ka daawano waxa aanu doonayno iyo waxa aanu qabanayno, aad baad u mahad san tihiin,, waxaan rajaynayaa haddii alla idmo inaan sidan aan maanta ugu imid wax badani iska bedeli doonaan”Ibraahim.
Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko “dawladda hoosse waa meesha kaliya ee qof kasta oo guri ka soo baxo muraad ka yeesho, wasaaradda warshaha waa meel shaqo badan u baahan, ibraahim waxa tartameen toban qof, fursada qof uun baa helaya marka ibraahim uun baa ku guulaystay, dawladda hoose ku soo dhoweeyey waa mishiin aad u weyn oo aan ku saamaxayn in aad galinnba nasato, dhinac walba way taabanaysa marka waxay u baahan tahay in wakhti badan la siiyo dawlada hoose, shaqaale badan ayaa jooga, run ahaantii labaddi sanno aanu joogno aad baanu u tayeyna shaqaalaha, wax masta ahi muu joogin imika shan bay marayan, qaar kala jaamacaadaha dalka ayey ku jiraan, ku soo dhoweey ibraahim shaqada badan, mawliidna waan usii ducaynaya shaqadda cusub ee uu qabtay”
Badhasaabka gobolka Maroodii jeex ayaa u mahad naqay masuullyiinta dawladda hoose, “anigu waan soo maray xoghaye iyo maayar ku xigeenka waanu sooo marnay, waxa dhici jirtay in mararka qarkood sida aanu u shaqaynayo oo kaadidayada ayaa dhiig noqotay, hadana dadkii way cabanayaan, marka waxaan u tagay maayar hore waxaan idhi intaas waanu dadaalayna waanu ordayna dadkii way kacsan yihiin waa maxay wuuxu furcoon baan xilkan hayn jiray, marka waa shaqo fircoon, waa lagu kala hororsan ee si feejignaan ula soco, kolay way ku soo kala baratami doonaan ka feejignow”.
Saxilnews// Hargaysa // Office
berbera2002@gmail.com