New York (SaxilNews):- Xogahayaha guud ee Qarmada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa waxaauu ka hadley dhaarinta xildhibaanada Cusub ee dalka Somaliya
Ban Ki-Moon waxaa aad u soo dhaweeyey dhaarinta xildhibaanada baarlamanka federaalka Soomaaliya, isaga oo dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey guul taarikhi ah oo uu sheegay in ay gaadheen
Xoghayha ayaa ku booriyey baarlamanka cusub inay sii wadaan dardarta ay Somalia ku socoto iyaga oo dhameystiraya hanaanka doorashooyinka oo ay doortaan afhayeenada labada aqal iyo madaxweynaha cusub ee Somaliya
“Baarlamanka waa inuu wax ka qabtaa arrimaha sharciga ee muhiimka ah oo ay ku jirto sameynta dastuur joogto ah oo Soomaaliya ay yeelato, kaasi oo loogu daneynayo dadka Soomaaliyeed” ayuu yidhi
Waxa uu carabka ku adkeeyey in sharci darro kasta, xadgudub iyo wax isdaba marin oo ay soo weriyaan guddiyada doorashada ee heer federal ama heer gobol si buxuda wax looga qabto