XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY OO WAKIIL CUSUB U MAGACAABYA DALKA YEMEN

0
33

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa wakiil cuusb u magacaabay dalka Yeman.

sida lagu baahiyey Website-ka UN Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa Martin Griffiths oo u dhashay dalka Ingiriiska u magacaabay inuu noqdo wakiilada qaramada midoobay u qaabilsan dalka Yeman.

Martin Griffiths ayaa khibrad u leh xalinta khilaafaadka, wadda hadalada, dhex dhexaadinta iyo arimana bina aadaminimada, kaas oo ka shaqeeyey wadamo kala duwan.

Sanadkii 2014 waxa uu agaasimaha fulinta ka ahaa mac-hadka nabada ee qaarada yurub.

Sidoo kale waxa uu noqday la taliyaha xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee dalka suuriya, madaxa hawl galada qaramada midoobay ee Suuriya

iyo agaasimaha xarunta dhexe ee Geneva ee wada hadaladii bina aadaminimada.

Martin Griffiths ayaa la soo shaqeeyey hay’addaha Unicef, Save The Children Iyo Action Aid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here