Muqdisho-(Saxilnews)-Qoraal ka soo baxay xoghayaha Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux sidoo kale-na loo diray guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu sheegay in uu buray sharciyan mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
“Mudane Guddoomiye, aniga oo gudanaya waajibkayga ah masuulka maamul ahaan Golaha ugu xilsaaran xaqiijinta dukumintiyada Golaha, tirada qoraallada saxiixyada, soojeedinta naloo soo gudbiyay oo dhammaa 92 (sagaashan iyo labo) haddii laga jaro 14 (afar iyo toban), waxaa kusoo hadhaya Hindisaha 78 (toddobaatan iyo sided). Haddaba tirada xildhibaannada kusoo hadhaya Hindisahan ee xaqiiqda ah ma buuxinayo tiradan uu qodobka 92aad, farqada 2aad ee Dastuurka KMG oo sharciyeedu ansax ku noqon karto saddex meelood meel.”