Moqdishoo (Saxilnews):- Xoghayaha Arimaha dibada dalka Britain Boris Johnson ayaa waxaa uu maantacaasimada dalka Somaliya ee Moqdisho ku yimid booqasho lama filaan ah oo aan la sii shaacin
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibadda .
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dawladood , arrimaha gargaarka sama falka ee UK siineyso Soomaaliya, abaaraha iyo shirka London ee bisha May dhici doona.
Waxaana uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain uu soo dhoweeyay doorashadii bil ka hor ka dhacdey dalka Somaliya ee Madaxweyne Farmaaj ku guuleystay isaga oo sheegayna in Soomaaliya ay horumar ka sameyneyso dhinaca dimoqraadiyada.
Booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa ah mid hal maalin ah