Qoraalkan ayaa warku sheegay in uu xiligaa wasiirku ku xusay in ay ka xun yihiin in doorashada Madaxtooyada mar kale dib loo dhigo,sidoo kalena waxa uu wasiirku xusay in aanu wax kulan ah la qaadan doonin madaxwayne Siilaanyo inta uu ku sugan yahay dalka Ingiriiska.
Ma jiro warar rasmi ah oo xukuumadda Somaliland iyo dawlada Ingiriisku kasoo saareen arrintan,hase’yeeshee warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa tilmaamay in fariin waraaq ah oo ka socota wasiirka lasoo gaadhsiiyey madaxwayne Siilaanyo taas oo la sheegay in wasiirku ku cadeeyey sida ay uga xun yihiin dib u dhigista doorashada Madaxtooyada oo ay ku han waynaayeen inay wakhtigeedii ku qabsoonto,waxaana uu waraaqdan ku xusay sidoo kale in ay dib u eegis ku samayn doonaan taageerada dhaqaale ee ay dawlada Ingiriisku ku tarto Somaliland.
Warku waxa uu intaa ku daray in madaxwayne Siilaanyo safarkiisii uu dhawaan ku tagay dalka Ingiriiska ay qorshaha ugu jirtay in uu kulan la qaato wasiirka Khaarajiga dalkaasi balse taas badalkeeda uu wasiirku si cad u diiday inuu la kulmo madaxwayne Siilaanyo.
Gagagabadiina ilaa hadda ma cadda sababta uu wasiirka arrimaha dibada dalka Ingiriisku u diiday inuu la kulmo madaxwayne Siilaanyo wakhtigii uu ku sugnaa dalka Ingiriiska ee uu safarka ku tagey.