Horyaalada yurub ayaa ku dhaw dhamaadka iyaga oo ku jira bilhii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka horyaalada kala duwan ee yurub.
Shanta horyaal ee ugu waaweyn yurub ayaa ah qaar xiiso gaar ah u leh taageerayaasha maadama ay ka ciyaaraan kooxaha ugu waaweyn.
Horyaalada yurub qaar ka mid ah ayaa haatanba lagu kala baxay iyada oo ay kooxo haatanba hal gacan ah ku sii qabsadeen horyaalka.
Horyaalka Ligue 1 ee France ayaa ka mid ah horyaalada lagu kala baxay iyada oo ay kooxda PSG haatanba ku hayso 19 dhibcood.
Dhanka kale Horyaalka Serie A-da ayaa ah mid kale oo lagu kala baxay iyada oo kooxda Juventus ku hayso 15 dhibcood kadib 25 kulan oo la ciyaaray
Horyaalka La Liga ayaa isaguna ah mid u muuqda mid lagu kala baxay marka loo eego in ay Barcelona 7 dhibcood ka horayso kooxda kaalinta 2-aad laakiin waxa uu ka dhawyahay labada horyaal ee kale maadama 7 dhibcood ayna ahayn qaar aad u weyn.
Laakiin waxa jira 2 horyaal oo aan wali lagu kala bixin kuwaas oo ay kooxaha ka ciyaara wali isku dhagan yihiin.
Premier League ayaa ah mid ay isku dhagan yihiin labada kooxood ee Man City iyo Liverpool kuwaas oo kaliya hal dhibic kala horeeya.
Bundesliga ayaa ah mid kale oo wali la isku dhagan yahay iyada oo kooxaha Borussia Dortmund iyo Bayern Munich isku dhibco yihiin.