XISBIGA TALADA DALKA HAYA EE KOONFUR AFRICA OO HOGAAMIYE CUSUB DOORATAY

0
16

Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Koonfur Africa Oo Hogaamiye Cusub Dooratay

Cyril Ramaphosa waxuu mudo dheer la soo shaqeeyey Jacob Zuma
Image captionCyril Ramaphosa waxuu mudo dheer la soo shaqeeyey Jacob Zuma

Xisbiga taladda dalka Koonfur Afrika haya ee ANC ayaa hogaamiye u doortay Cyril Ramaphosa.

Ramaphosa ayaa hadda ah Madaxweyne kuxigeenka dalkaasi waxuuna ka adkaaday Dlamini Zuma oo horay xaas ugu ahayd Madaxweyne Zuma.

Waxayna hadda u badan tahay in Raphamosa uu dalkaasi madaxweyne ka noqon doono doorashada soo socota ee sanadkan 2019-ka.

Waxaa jirtay cabsi xoogan oo laga qabay xisbiga inuu kala jabo ka hor doorashada soo socota iyadoo si weyn ay madaxda u kala qaybsanayd.

Guusha ninkan ayaa si weyn loogu dabaaldagay gaar ahaan wadooyinka magaalooyinka waawayn.

Warbaahinta ayaa ku waramaysay in natiijada waxooga dib loo dhigay maadaama Dlamini-Zuma ay codsatay in tirinta mar kale lagu noqdo.

Cyril Ramaphosa waa 65, waxuuna si weyn uga soo horjeestay musuqmaasuqa dalkaasi hareeyey.

Waxaa sidoo kale ninkani taageersan ganacsatada dalkaasi.

Hogaamiyahan cusub ee xisbiga ANC waxaa sidoo kale uu taageero ka haystaa goboladda dalkaasi.

Xisbiga ANC ayaa waxaa ka dhexjirtay kala qaybsanaan weyn oo ku saabsan shirweynaha iyo waliba cida xisbiga ka dhaxli doonta Jacob Zuma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here