Xisbiga KULMIYE Oo Siyaasi Axmed Muumin Seed Siiyay Lacag Uu Soo Dhiibay Ganacsadaha Siyaasadda Ku Milmay Ee Ina Aw-Siciid+Axmed Muumin Oo Lacagtaas Ka Iibsaday Guri Iyo Gaadhi Qaaliya

0
18
Hargeysa(Saxilnews) -Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa sheegaya in xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda oo iskaashanayaa ay gudoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga WADDANI hadana ah gudoomiyaha xubnaha la magac baxay Garabka toosinta WADDANI Axmed Muumin Seed ay siiyeen qadar lacaga oo aad u badan isla markaana uu usoo dhiibay sida la sheegay ganacsadaha siyaasadda ku milmay ee Maxamed Aw-siciid.

Qadarkan lacagta ah ayaa la sheegay in ay ahayd lacag aad  u badan oo qadarkeedu gaadhayso “seddex boqol oo kun oo dollarka maraykan ah,taasi oo la sheegay inuu bixiyey gacansade Ina Aw siciid,waxaana la sheegay inuu lacagtaasi Axmed Muumin Seed ka iibsaday Guri wayn oo bangalo ah oo ku yaala aga-agaarka Huteelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa iyo gaadhi nooca raaxada ah waxaana xoguhu sheegeen in guriga laga siiyay qadar lacaga oo dhan 120,000$ (Boqol iyo Labaatan Kun Oo Dollar).

Gurigan ayaa la sheegay inuu Axmed Muumin Seed ku guursanayo gabadh Minyaro ah waxaana saaka maherkiisu ka dhacay magaalada hargeysa gaar ahaana Hotel Safaari.

Ganacsadahan siyaasada ku milmay ee Ina Aw-siciid ayaa isagu ku jira olole cad iyo qorshayaal uu doonayo inuu ku burburiyo  xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,waxaana uu ganacsadahani u muuqdaa mid ilaaway inuu yahay ganacsade u dhax ah umadda ku dhaqan dalalka Somaliland iyo jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here