Hargeysa (Saxilnews):- Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo sheegayey in ay kulmiye kaga taageero badan yihiin guud ahaan qaaradda Yurub.
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo u waramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid faan ah oo aan macquul ahayn, isaga oo u soo jeediyey xisbiga Waddani in ay ku hadlaan wax suurta gal ah lana arki doono taageerada ay kala haystaan labada xisbi wakhtiga doorashada ee fagaaraha la iskugu soo baxo.
“Waxaasi waa faan ayaanu u aragnaa aan wax caqli ah iyo xigmad ku salaysnayn, waana iska hadal oo nin is faanshay waa ri’ is nuugtaybaa la yidhi, waanay soo bixi arrintaasi oo bishu hortiina ayey iman doontaa, nin waliba waxa uu isla hayana fagaaraha ayuu keeni, anagu waxba faani maynee waa la arki doonaa taageerada aanu qurbaha ku leenahay”.
Jaamac Ismaaciil Cige Jaamac Shabeel, ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in xisbiga waddani aanuu hadalkaasi u wanaagsanayn loogana baahan yahay in ay ku hadlaan waxyaabo suurta gal ah sida uu hadalka u dhigay.
“ Xisbiga waddani xaqiiqada ku soo noqda ayaan odhan lahaa xaqiiqadu waa lagama maarmaane, hadii aad naftaada ku maaweeliso wax aan jirinna adiga ayey ku dhibaataysaa, haddiiwax aan jirin aad iska dhaadhicisana hadhaw ayaad yaabaysaa, markaa xaqiiqada ku soo dhowaada ayaan leeyahay waddani, sidaas ayaa idinkana idiin wanaagsan, waxaana la arki doonaa taageeradayada wakhtigeeda” ayuu yidhi Jaamac Shabeel
Source:- Saxansaxo